Dowladda Soomaaliya oo dalka dibadiisa u qaaday xaalad Caafimaad 7 qof written by Warsan Radio 22/10/2022 Garoonka Diyaaradaha ee Aden Cadde ee magaalada Muqdisho laga dhoofiyay qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii Hotel Xayaat iyo Hoobiyaal lagu soo tuurey Muqdisho oo Dalka gudihiisa wax loogu qaban waayey.Garoonka diyaaradaha ayaa waxaa ku sagootiyay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji aadan iyo xubno ka socdey Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.Dhaawacyada oo tiradoodu gaareysey 7 qof ayaa loo qaadey Dalka aan walaalaha nahay ee Sucuudiga halkaas oo lagula tacaali doono xaaladdooda Caafimaad maadaama Kiisaskan ay ahaayeen kuwo aad u adag una baahnaa in ay hellaan Caafimaad dibadda ah.Dowladda Sucuudiga ayaa qaadatey Doorka gurmadkan waxaana goob joog ahaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde Safiirka Dowladda Sucuudiga, howlwadeeno ka socdey Safaaradda iyo xubno ka yimid Sucuudiga oo sii qaadayey dhaawacyada.dhaawacyada ayaa ahaa kuwo ku wada dhaawacmey Magaalada Muqdisho, waxaana jira dhaawacyo kale oo laga keeney Magaalada Baladweyne oo qoor kamid ah ay xaaladdahoodu adag tahay waxaana Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ay wadaa dadaalo lagu qaadayo dhaawacyada harsan sida u dhow.Wasiirka Wasaardda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa ka mahad celiyey gurmadka Dowladda Sucuudiga ay u fidisey iyo dowrka ay markasto ka qaadato u gurmashada Shacabka Soomaaliyeed. Dowladda Soomaaliya oo dalka dibadiisa u qaaday xaalad Caafimaad 7 qof was last modified: October 22nd, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso;- Barnaamijka Maykoo usub ee Idaacada warsan next post Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ah ku fulisay ninkii dilay Wasiir Siraaji You may also like Imaaraadka Carabta oo markale deeq gargaar ah soo gaarsiiyay Muqdisho 21/02/2022 Laamaha ammaanka Puntland oo fuliyay awaamiir ay dhawaan soo saareen 22/01/2024 Ciidamada Millateriga & Booliska Somalia oo howlgal wadajir ah sameeyay 16/02/2022 Akhriso:-Eng Cabdi Cashuur Xasan oo ka qeyb galaya Shirweynaha aan caadiga ahayn ee Midowga Boostada Adduunka (UPU) 24/09/2019 Akhriso Khudbaddii Madaxwayne Farmaajo ee xaaladda Dalka 28/04/2021 Nin Oday ah oo lagu dilay Magaalada Muqdisho 30/03/2022 Lix kamid ahaa Shaqaalaha Shirkadda Hormuud oo ku dhintay Qarax lala beegsaday 28/04/2024 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka warsan 22/05/2023 AQRISO MAGACYADA MALAAQYADA KOONFUR GALBEED EE KU DHINTEY IYO KUWO DHAAWACMEY WEERARKII HOTEL DAYAX EE MUQDISHO 25/01/2017 Dhageeyso:-Warka fiidnimo ee Idaacada Warsan 04/02/2019 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.