Dowladda Soomaaliya oo dalka dibadiisa u qaaday xaalad Caafimaad 7 qof written by Warsan Radio 22/10/2022 Garoonka Diyaaradaha ee Aden Cadde ee magaalada Muqdisho laga dhoofiyay qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii Hotel Xayaat iyo Hoobiyaal lagu soo tuurey Muqdisho oo Dalka gudihiisa wax loogu qaban waayey.Garoonka diyaaradaha ayaa waxaa ku sagootiyay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji aadan iyo xubno ka socdey Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.Dhaawacyada oo tiradoodu gaareysey 7 qof ayaa loo qaadey Dalka aan walaalaha nahay ee Sucuudiga halkaas oo lagula tacaali doono xaaladdooda Caafimaad maadaama Kiisaskan ay ahaayeen kuwo aad u adag una baahnaa in ay hellaan Caafimaad dibadda ah.Dowladda Sucuudiga ayaa qaadatey Doorka gurmadkan waxaana goob joog ahaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde Safiirka Dowladda Sucuudiga, howlwadeeno ka socdey Safaaradda iyo xubno ka yimid Sucuudiga oo sii qaadayey dhaawacyada.dhaawacyada ayaa ahaa kuwo ku wada dhaawacmey Magaalada Muqdisho, waxaana jira dhaawacyo kale oo laga keeney Magaalada Baladweyne oo qoor kamid ah ay xaaladdahoodu adag tahay waxaana Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ay wadaa dadaalo lagu qaadayo dhaawacyada harsan sida u dhow.Wasiirka Wasaardda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa ka mahad celiyey gurmadka Dowladda Sucuudiga ay u fidisey iyo dowrka ay markasto ka qaadato u gurmashada Shacabka Soomaaliyeed. Dowladda Soomaaliya oo dalka dibadiisa u qaaday xaalad Caafimaad 7 qof was last modified: October 22nd, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso;- Barnaamijka Maykoo usub ee Idaacada warsan next post Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ah ku fulisay ninkii dilay Wasiir Siraaji You may also like Akhriso:- Dowlada Soomaaliya oo mamnuucday Qalabka baaruda Qarxa sameya ee Carruurta ku ciyaaraan Maalmaha Ciida 13/06/2018 Guddiga farsamadda soo xulista Barlamaanka labaad ee Hirshabelle oo gaaray Magaalada jowhar 28/09/2020 Puntland oo kasoo horjeesatay Shirka Shidaalka Afrika ee ka socda Dubai 10/11/2021 Duulimaayada gudaha oo si rasmi ah uga bilowday garoonka Aadan Cadde 05/07/2020 Golaha Ammaanka oo cambaareeyay weeraradii ka dhacay Garoonka Aadan-Cadde & Beledweyne 25/03/2022 Dhageyso: Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 19/01/2023 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 21/12/2020 Dowladda Soomaaliya oo shaacisay inay xoojineyso xiriirka dalalka deriska 15/10/2021 Somaliland oo xirtay Wariyeyaal ka howlgala Telefashinka MM TV 07/01/2024 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 24/04/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.