Waxaa Goordhow Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan Gaaray Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada xooga Dalka Soomaaliya.
Xubnaha wafdigan ayaa ka koobnaa Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale Raaxeeye Xildhibaan Cabdiraxmaan Gureey Xildhibaan Cabdinaasir Xaaji Shirwac, Taliyaha ciidanka dhulka Gen.Maxamed Tahliil Biixi Taliyaha qeybta 27-Aad Gen.Tawane Axmed Maxamed Guddoomiyaha ururka dhallinyarada gobolka Hiiraan Cabdi muumin Xiish iyo masuuliyiin kale guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cumar aadan Baadiyoow.
Xildhibaanada saraakiisha oo safar dhulka ah uga baxay saakay ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan iyagoona socod ku maray wadooyinka ugu muhiimsan ee degmada.
Saraakiisha iyo xildhibaanada Gaaray degmada Maxaas ayaa lagu wadaa in ay xoojiyaan howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda Degmada Maxaas deegaanada hoos-yimaado.