Puntland oo heegan gelisay Ciidamadeeda ku sugan Gobolka Bari written by Warsan Radio 25/10/2022 Dowlad Goboleedka Puntland ayaa heegan buuxa geliyay Ciidamada kala duwan ee Maamulkaas gaar ahaan kuwa daraawiishta ee ku sugan Gobolka Bari, kuwaas oo dhawan la filayo in dhulka Buuraleyda ah ay ka bilaabaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab iyo Daacish.Taliyaha Ciidamada Difaaca Puntland Sareeye Gaas Abshir Cabdi Jaamac oo maal mahaan safar shaqo ku joogay Buuraleyda Silsiladda Golis ee fariisamaha Ciidanka Daraawiishta Gobalka Bari ayaa gaaray magaaladda Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.Taliyaha ayaa dhamaan fariisamaha Ciidanka ku maray kormeer Xeryaha kala ah Af-urur , Yalho , Kalabayr , jinbac , sugure 1 & 2 , bali-khadar , Bayska galgala iyo kuwa ku sugan Gudaha Magaalada Boosaaso.Taliyaha Ciidamada Difaaca Puntland Sareeye Gaas Abshir Cabdi Jaamac ayaa sheegay in kormeerkaan uu yahay mid uu ugu kuurgalayo xaladda dhabta ah ee ciidanka , isaga oo ugu baaqay inay heegan u alaan howlgallada laga fulinayo Gobolka Bari.Ugu dambeyn Taliyaha Ciidamada Difaaca Puntland Sareeye Gaas Abshir Cabdi Jaamac ayaa warbixinada Ciidanka uga dhagaystay Saraakiisha , isaga oo ciidanka u balan qaaday in ay kor usii qaadi doonaan xaq iyo xuquuqdooda ay ku leeeyihiin Maamulka. Puntland oo heegan gelisay Ciidamadeeda ku sugan Gobolka Bari was last modified: October 25th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dadka ku dhintay dagaal Beeleedyada ka socda dalka Suudaan oo kordhay next post Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan You may also like DHAGEYSO: Warka Galab ee Idaacada Warsan 21/04/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Beeraha Qeybta 10 aad 23/11/2020 Faah Faahino Ka Soo Baxaya Dagaal Ka Dhacay Awdheegle 07/05/2020 Khasaaraha ka dhashay qaraxyadii Zoobe oo la shaaciyay 02/11/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 16/04/2019 Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xoghayaha Guud ee QM kala hadlay la dagaalanka Al-Shabaab 02/11/2022 Dhageyso: Shacabka Tiyeeglow Oo Dalbadey In Degaankooda Dib Loogu Celiyo 18/02/2019 Akhriso:-Ajendaha Kulanka Maanta Ee Xildhibaanada Golaha Shacabka 02/11/2020 Akhriso+Sawiro:- Wafdi balaaran oo ka socda Jubaland oo Xariga ka jarey Mashaariic horomarineed oo laga hergeliyey degmada Baardheere 28/02/2018 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 18/06/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.