Elon Musk oo bilaabay inuu shaqada ka eryo kala badh shaqaalaha Twitterka written by Warsan Radio 05/11/2022 Shirkadda Twitterka ayaa si ku meel gaadh ah u xidhay xafiisyadeeda maalintii Jimcihii, iyada oo shaqaalaha loo sheegay inay heli doonaan fariin email ah oo loogu kala sheegayo inay shaqada sii wadan doonaan ama in shaqada laga fadhiisinayo.Tallaabadan ayaa daba socota,ka dib markii uu dhowaan shirkadda Twitter-ka iibsaday muulkiilaha cusub ee Elon Musk, iyada oo ay hubanti la’aan badani soo foodsaartay, mustaqbalka shaqaalaha shirkadda.Maamulka cusub ee shirkadda Twitter iibsaday ayaa haatan bilaabay inay kala hufaan shaqaalaha shirkadda ee gaadhaya 7,500 oo shaqaale ah. Elon Musk oo ah qofka ugu taajirsan adduunka ayaa qorshaynaya inuu shaqada ka fadhiisiyo illaa 3,700 oo ka mida shaqaalaha shirkadda Twitterka, taas oo ah kala badh shaqaalweynaha.Shirkadda Twitterku kama jawaabin, fariin loo diray oo laga weydiiyey inay arrintan sharaxaad ka bixiso.Shaqaalaha shirkadda ayaa bilaabay inay isticmaalaan hashtag ay ku muujinayaan dareenkooda, kaas oo ay cinwaan uga dhigeen #OneTeam, fariimaha shaqaalaha waxaa ka jawaabay madaxa amniga iyo hufnaanka ee shirkadda Yoel Roth, isaga oo sheegay inuu furan yahay sanduuqiisa gaarka ah ee fariimaha sida tooska ah loogu diri karo, isagoo yidhi “maxaan idinka caawin karaa”Roth ayaa ah qofka ugu sarreeya ee illaa haatan taageerada u muujiyey shaqaalaha shirkadda ee shaqadooda waayaya. Waxaana weli muuqata inuu isagu xafiiska sii joogo. Toddobaadkii hore Elon Musk ayaa taageero u muujiyey Roth, isaga oo ku tilmaamay inuu yahay qof shakhsiyad nadiif ah leh.Shirkadda Twitterka ayaa si ku meel gaadh ah u xidhay xafiisyadeeda, iyada oo hawl-gab laga dhigay, aqoonsiyadii lagu soo gelayey dhismayaasha.Reuters Elon Musk oo bilaabay inuu shaqada ka eryo kala badh shaqaalaha Twitterka was last modified: November 5th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Isku daygii lagu khaarijin lahaa Imran Khan – Maxaan ognahay illaa hadda? next post QM oo ku baaqday in dib loo bilaabo wada-hadaladii dalka Yemen You may also like Weerar khasaaro geystay oo ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo 21/06/2022 Soomaaliya iyo Ruwanda oo heshiis cusub kala saxiixday 08/07/2022 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 03/12/2021 Dhageyso;- Warka Galab ee Idaacada Warsan 12/05/2022 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacaada Warsan 22/10/2021 Dowladda Mareykanka oo war kasoo saartay kulanka u furmay Farmaajo, Deni iyo Axmed Madoobe 05/09/2020 Ra’iisal Wasaare Xamse oo gudoomiyay shir looga hadlayay la dagaalanka Fikirka Xagjirka 22/02/2023 Dowladda Imaaraadka Carabta oo aqbashay raali gelintii RW Rooble 02/02/2022 Tareenkii u horreeyay ee alaab ka qaada Turkiga oo u shiraacday Shiinaha 05/12/2020 Caasimada Lebanon oo 300,000 qof oo ku baro-kacay qaraxii Beyruut 06/08/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.