QM oo ku baaqday in dib loo bilaabo wada-hadaladii dalka Yemen written by Warsan Radio 05/11/2022 Madaxa guddida xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay Volker Tuerk ayaa ku baaqay in dib loo bilaabo wadahadaladii dalka Yemen ee ay dhexdhexaadinaysay Qaramada Midoobay. Iyada oo bilo ka hor uu dhamaaday heshiiskii xabbad joojinta ahaa, kaas oo sababay inay sare u kacaan khasaaraha dadka rayidka ah soo gaadhaya.War qoraal ah oo uu soo saaray Tuerk ayu uku sheegay inuu aad uga xun yahay dagaalka iyo khasaaraha nafeed ee ka dhashay, tan iyo markii dhinacyada ku dagaalamaya dalka Yemen ay ku guuldaraysteen inay kordhiyaan heshiiskii xabbad joojinta ee soconayey muddada lixda bilood ah, taas oo ku ekayd, bishii October 2-deedii. Guddoomiyaha guddida xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa dhinacyada ku boorriyey inay ka wada hadlaan sidii loosoo afjari lahaa colaadda khasaaraha badan dhalisay.Afhayeen u hadlay guddida xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay Jeremy Laurence, ayaa sheegay in qaybo badan oo ka mida khasaaraha soo gaadhay shacabka, in lagu eedaynayo kooxda Xuutiyiinta ee Ansar Allah ee dalka Yemen.Laurence waxa uu sheegay inay adag tahay in la xaqiijiyo tirada dadka rayidka ah ee ku waxyeeloobay dagaalada ugu dambeeyey, balse wuxuu sheegay in xafiiskiisu inuu xaqiijiyey saddex dhacdo oo duqaymo ah oo fallaagada ay dawladda Iran taageerto ay ka gaysteen dhulka ay dawladdu maamusho.Dagaalka ka socda dalka Yemen oo bilaabmay sideed sano ka hor ayay ku dhinteen in ka badan 350,000 oo qof sida ay sheegtay Qaramada Midoobay. QM oo ku baaqday in dib loo bilaabo wada-hadaladii dalka Yemen was last modified: November 5th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Elon Musk oo bilaabay inuu shaqada ka eryo kala badh shaqaalaha Twitterka next post Taliye Odawaa oo sheegay inay baarayaan qaraxii ka dhacay Xerada tababarka Ciidamada ee Nacnaca You may also like Ururka Al-Shabaab oo sheegtay inay dileen Dhamme Cusmaan 09/01/2021 Akhriso:-Go’aankii ka soo baxay Xildhibaanada la baxay Guddiga Badbaadada Golaha shacabka 29/03/2018 Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Xukuumadda laga sugayo amni & horumar 25/08/2022 RW Kheyre oo la kulmay madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Dhuusomareeb 15/07/2020 Barlamaanka oo muda kordhin u sameyey Madaxweynaha Koonfur Galbeed. 20/04/2020 Nin dil ugu hanjabay Xildhibaan Ilhan Cumar oo xukun lagu riday 14/07/2022 Video Madaxweyne Farmaajo oo maanta furay Shirka Golaha Amniga Qaranka 06/02/2018 Khasaaraha ka dhashay qaraxyadii Zoobe oo la shaaciyay 02/11/2022 Dhageyso:-Wariye zola maxamed ciidamada dowlda soomaaliya iyo kuwa amisom ayaa holwgal waxaa ay ka sameeyen degaano 13/02/2017 Video Kulanka golaha wasiirada maamulka konfur galbeed somaliya oo Baydhabo Maanta Ka dhacay 06/04/2017 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.