Taliye Odawaa oo sheegay inay baarayaan qaraxii ka dhacay Xerada tababarka Ciidamada ee Nacnaca written by Warsan Radio 06/11/2022 Ruux la sheegay in uu isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa xalay beegsaday Xerada tababarka Ciidamada ee Janeral Dhagabadan Ex Warshadda Nacnaca, halkaas oo ay ku sugnaayeen dhalinyaro loo diyaariyay inay kamid noqdaan Ciidamada dowladda Soomaaliya tababarna loo qaado.Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Soonna oo kamid ah Warbaahinta dowladda ayaa qortay in qaraxaasi ismiidaaminta ah ay ku dhinteen 5 qof 11 kalana ay ku dhaawacmeen, balse xogaha Risaala ay heshay ayaa sheegay in in ka badan 15 Ruux ay ku dhinteen qaraxa.Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/Guuto Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa xaqiijiyay in qofka is qarxiyay damiciisu ahaa in uu ku dhex dhuunto dhalinyaro loo xareynayay dhiboow si ay ugu soo biiraan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed laakiin uu qarxay inta uusan gaarin bartilmaameedkii uu u socday.Taliyaha ayaa sheegay in uu socdo baaritaan xooggan si looga hortago weerarada Al-Shabaab, xilli meelo badan oo dalka ah ay Al-Shabaab ku wajahayaan dagaalo kaga imaanaya Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka.Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Al-Shabaab ka saaray deegaano muhiim ah oo istiraatijad weyn ugu fadhiyay ayna ka soo qorsheeyn jireen qaraxyada iyo weerarada ay ka fuliyaan Muqdisho iyo Gobolada dalka. Taliye Odawaa oo sheegay inay baarayaan qaraxii ka dhacay Xerada tababarka Ciidamada ee Nacnaca was last modified: November 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post QM oo ku baaqday in dib loo bilaabo wada-hadaladii dalka Yemen next post Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan You may also like Dhageyso: Muxuu Ahaa Codsigii Aabe Xasan Cali Uu Jeediyey Oo Sida Deg Dega ah Loogu Soo Jawaabey? 22/04/2020 Madaxweynihii Hirshabelle oo is casilay 03/11/2020 Turkiga oo saaray digniin culus oo ku socota Masar 27/07/2020 Dhageyso: Warka Duhurnimo ee Idaacada warsan 16/05/2023 Dood ku saabsan doorka fanaaniinta iyo abwaanada ka qaataan Nabadda iyo deminta colaadaha 30/04/2021 Madaxweynaha Soomaaliya oo Maanta ku wajahan dalka Kenya 14/07/2022 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 19/12/2022 Nabaddoon Caan ahaa oo lagu dilay Gaalkacyo 17/06/2022 AKHRISO:-4;ta Qodob ee Shirka madaxda dowlada Goboleedyada iyo Federaalka 15/04/2017 Dhageyso:-Wareysi Maxaned Sheekh Buraale oo ka tirsan Jameecada sheikh Axmed Yare Sh/Hoose. 24/08/2017 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.