Taliye Odawaa oo sheegay inay baarayaan qaraxii ka dhacay Xerada tababarka Ciidamada ee Nacnaca written by Warsan Radio 06/11/2022 Ruux la sheegay in uu isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa xalay beegsaday Xerada tababarka Ciidamada ee Janeral Dhagabadan Ex Warshadda Nacnaca, halkaas oo ay ku sugnaayeen dhalinyaro loo diyaariyay inay kamid noqdaan Ciidamada dowladda Soomaaliya tababarna loo qaado.Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Soonna oo kamid ah Warbaahinta dowladda ayaa qortay in qaraxaasi ismiidaaminta ah ay ku dhinteen 5 qof 11 kalana ay ku dhaawacmeen, balse xogaha Risaala ay heshay ayaa sheegay in in ka badan 15 Ruux ay ku dhinteen qaraxa.Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/Guuto Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa xaqiijiyay in qofka is qarxiyay damiciisu ahaa in uu ku dhex dhuunto dhalinyaro loo xareynayay dhiboow si ay ugu soo biiraan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed laakiin uu qarxay inta uusan gaarin bartilmaameedkii uu u socday.Taliyaha ayaa sheegay in uu socdo baaritaan xooggan si looga hortago weerarada Al-Shabaab, xilli meelo badan oo dalka ah ay Al-Shabaab ku wajahayaan dagaalo kaga imaanaya Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka.Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Al-Shabaab ka saaray deegaano muhiim ah oo istiraatijad weyn ugu fadhiyay ayna ka soo qorsheeyn jireen qaraxyada iyo weerarada ay ka fuliyaan Muqdisho iyo Gobolada dalka. Taliye Odawaa oo sheegay inay baarayaan qaraxii ka dhacay Xerada tababarka Ciidamada ee Nacnaca was last modified: November 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post QM oo ku baaqday in dib loo bilaabo wada-hadaladii dalka Yemen next post Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan You may also like Dhageyso+Sawiro:-Eng Salax oo Sheegay in oo yahay Musharax Madaxweeyne KGS 02/10/2018 Xildhibaano sheegay inay ka shaqeynayaan sidii ay u dhici laheyd doorasho qof iyo cod 03/08/2020 DHAGEYSO :- DHAGAX GIDH OO MAANTA MADAXWEEYNAHA KGS OO DHAGAX DHIGAY 2 WAZAARADOOD KALA AH MAALIYADA IYO MADAXTOOYADA 17/11/2016 Mareykanka oo dadka u geeriyooday Coronavirus ay gaartay 40,000 oo qof 20/04/2020 Maamulka Puntland oo xabsiga dhigey Siyaasiyiin iyo ganacsato, 13/10/2017 Caalamka oo maanta u dabbaaldegaya xuska 24-ka Oktoobar ee dhaqangalinta Axdiga Qaramada Midoobay 24/10/2020 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 01/07/2021 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 06/02/2021 Akhriso:-Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu dilay Muqdisho 23/02/2019 Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Shaaciyay Waxyaabaha Uu Qaban Doono 23/09/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.