Wiil Dhalinyaro ah oo lagu dilay Magaalada Muqdisho written by Warsan Radio 07/11/2022 Rag hubeysanaa ayaa waxaa la sheegay in degmada Dharkeenleey ee Gobolkan Banaadir ay maanta ku dileen Wiil Dhalinyaro ahaa oo lagu Magacaabi jiray Cabdiraxmaan Cumar Abshirow, kadibna ay goobta ka baxsadeen.Faah faahino kala duwan ayaa kasoo baxaya dilka Wiilka Dhalinyarada ah, waxaana wararka aan helnay ay sheegayaan in rag Burcad ah oo doonayay inay dhacaan ay kudileen Xaafada Kaawa-godeey qeybta degmada Dharkeenleey.Alle ha u naxariistee Cabdiraxmaan Cumar Abshirow ayaa la dhashay Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka, wuxuuna kamid ahaa Dhlinyarada wax bartay ee kunool Magaalada Muqdisho.Ciidamo katirsan dowladda ayaa tegay halka dilka uu ka dhacay, iyaga oo goobta ka qaaday meydka Wiilka dhalinyarada ah, hayeeshee aysan ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan dadkii ka dambeeyay dilkaas.Magaalada muqdisho ayaa sibareer ah mar walba loogu dilaa dadka Shacabka ah, iyada oo dhowr jeer qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir ay kooxo burcad ah kudileen dad Shacab ah oo ay dhac u geysanayeen. Wiil Dhalinyaro ah oo lagu dilay Magaalada Muqdisho was last modified: November 7th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Imaaraadka Carabta oo cambaareeyay qarax ka dhacay magaalada Muqdisho next post Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay weerarka ay saaka Al-Shabaab ku qaaday Saldhiga Qaayib You may also like Dhageyso:- Barnaamijka Maykoo usub ee Idaacada Warsan 23/09/2022 Maxaad kala socotaa General Gorod Guushii uu ka gaaray Nabadda Gaalkacyo? 15/01/2018 Dowladda Somalia oo sheegtay in howlgal lagu dilay Xubno katirsan Al-Shabaab 14/03/2022 Akhriso:-Xukuumadda Soomaaliya oo Casriyeyneysa Garoonka Kubbadda Cagta Dhuusamareeb 30/06/2019 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 13/07/2019 Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo La Kulamay Odeyaasha Beesha Mudullood (Sawiro) 09/08/2020 Dhimashada dhul-gariirkii Turkiga iyo Suuriya oo dhaaftay 41,000 15/02/2023 Kenya oo ayaa xaalad deg deg ah kusoo rogtay gobol xaduud la leh Itoobiya 04/05/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 08/12/2019 Dhageyso:-Xarunta Ciilaajka Sheekh Ibraahim oo Baydhabo laga furay 28/03/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.