Imaaraadka Carabta oo cambaareeyay qarax ka dhacay magaalada Muqdisho written by Warsan Radio 07/11/2022 Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si kulul u cambaareeysay Weerarkii qaraxa ahaa ee lala beegsaday Xerada lagu tababaro Ciidamada Milatariga Soomaaliya ee Warshadda Nacnaca oo ku taalla degmada Wadajir, kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Ciidamada.Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Imaaraadka ayaa lagu xaqiijiyay in Imaaraadka Carabta uu si weyn u cambaareynayo falalkan dambiyada ah iyo dhammaan noocyada rabshadaha, xagjirnimada, iyo argagixisada ee looga dan leeyahay in lagu qalqal geliyo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.Sidoo kale Wasaaraddu waxay tacsi tiiraanyo leh u dirtay ehelada dadkii ku dhintay qaraxaas ismiidaaminta ahaa, waxayna u rajaysay caafimaad degdeg ah dhammaan inta ku dhaawacantay.Dowladda Soomaaliya ayaa qaraxaas ku sheegtay in lagu dilay kamid ah dhalinyaradii loo qoray inay kamid noqdaan Ciidanka xoogga dalka, halka Al-Shabaab ay sheegteen inay ku dileen 100 Ruux, hayeeshee xogta la helay ayaa sheegeysay in ku dhawaad 20 ay ku dhinteen. Imaaraadka Carabta oo cambaareeyay qarax ka dhacay magaalada Muqdisho was last modified: November 7th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Sawiro:-Madaxweyne Lafta Gareen oo gaaray degmada Ceelbarde + Ujeedka next post Wiil Dhalinyaro ah oo lagu dilay Magaalada Muqdisho You may also like Xog xasaasi ah: Deegaanka kamsuuma oo xaley lagu duqeeyey kooxda alshabaab 28/10/2018 Tuhun laga qabo in Golaha Shacabka uu sameysto muddo kororsi 2 sano ah 08/08/2020 Mudo biloooyin ka dib Dagaalka Ruushka iyo Ukrian dhankee u janjeerta guusha Ruushka 26/08/2022 Duqeymo ka dhacay degaano katirsan Gobolka Galgaduud & faah faahin laga helayo. 16/01/2023 Dowladda oo sheegtay in weerar lagu dilay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab 09/08/2020 Madaxweynaha Turkiga oo jawaab caro leh u diray Joe Biden 28/04/2021 Dhageyso:- Gole Deegaan Oo Loo Samaynayo Degmada Diinsoor 31/12/2019 513,000 carruur Soomaaliyeed oo halis ugu jiro inay dhintaan 15/09/2022 Dhageyso: Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 09/10/2022 Turkiga oo dhex-dhexaadinaya Dowladda Federaalka iyo Midowga Musharaxiinta 13/03/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.