Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay dhameystiri doonto xeerarka Shidaal baarista written by Warsan Radio 08/11/2022 Wasiirka Wasaarada Batroolka iyo Macdanta XFS Mudane Dr. H.E. Abdirizak Omar Mohamed ayaa maanta ka qaybgalay kulanka billaha ah ee Guddiga Maamul-Wanaagga Maaliyadda (FGC) oo looga hadlay horumarada laga gaaray arrimaha batroolka iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka dalkeenna si waafaqsan sharciga.Wasiirka Wasaarada Batroolka iyo Macdanta XFS ayaa ka qaybgalayaasha shirka la wadaagay in wasaaradda Batroolka iyo macdanta ay soo dhamaystiri doonto xeerarka hortabinta u leh soo saarka shidaalka.Waxaa sidoo kale Wasiirka Wasaarada Batroolka iyo Macdanta XFS shirka uu ka sheegay in la dedejiyo ansixinta sharciga canshuuraha ee kheyraadka ku jira dhulka hoostiisa oo ay soo diyaariyeen Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta.Ansixinta Sharcigan waxuu ka mid yahay sharuudaha ku xiran dhamaystirka dayn cafinta.Shirka sidoo kale waxa goobjoog ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS Mudane Maxamad Xaashi Carabeey.Ugu danbeentii Wasiirka Wasaarada Batroolka iyo Macdanta XFS Mudane Dr. H.E. Abdirizak Omar Mohamed ayaa u-mahadceliyay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo ahaa shir-guddoonka iyo dhammaan ka soo qayb galayaasha kale sida Bangiga Adduunka , IMF, Bangiga dhexe ee Soomaaliya, iyo Labada Xafiis ee Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha. Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay dhameystiri doonto xeerarka Shidaal baarista was last modified: November 8th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Guddoomiye Madaale oo Shacabka Muqdisho ugu baaqay inay feejignaadaan next post Ilhan Cumar oo doorashada Maanta loollan adag kula galeysa haweeneey Madow ah You may also like Madaxweynaha Jubbaland oo Beesha Caalamka kala hadlay xal u helista abaaraha 29/11/2021 Akhriso: Nuxurka Khudbadihii ugu muhiimsanaa ee maanta lagu soo qaaday shirka Maamul Goboleedyada 11/07/2020 Shirka Sanadlaha Ee Machadka Hiratage Oo Ka Furmay Garoowe 30/12/2020 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 23/10/2021 Dhageyso: Warka Duhurnimo ee Idaacada Warsan 27/05/2023 Somalia iyo Azerbaijan oo ka wada xaajooday xiriirka labada dal 05/05/2024 Soomaaliya iyo Ruwanda oo heshiis cusub kala saxiixday 08/07/2022 Mareykanka oo baaraya in Coronavirus si ku talo-gal ah loo abuuray dunnidda 16/04/2020 Xaalad kacsanaan ah oo Maanta ka jirta degaan uu ka dhacay Dagaal culus 10/02/2024 Dhageyso:-C/raxmaan C/shakuur “Waxaa la is hor-taagay baroor diiqdii Xisbiga Wadajir ku xusi lahaa dadkii lagu laayay weerarkii 17 December” 17/12/2018 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.