Iran ayaa xukun deldelaada ku fulisay qofkii labaad ee ka mida debedbaxayaasha written by Warsan Radio 13/12/2022 Dawladda Iran ayaa Isniintii sheegtay inay xukunkii labaad ku fulisay maxbuus loo haysto mudaharaadadii dalka Iran ka bilaabmay bishii September ee sannadkan, ka dib markii dhimatay ay haweenay ay xabsiga dhigeen, ciidamada booliska ee anshaxa, kuwaas oo ku eedeeyey gabadhaas yar inaanay si habboon u daboolin timaheeda.Wakaaladda wararka ee Mizan ee ay maamusho hay’adda garsoorka ee dalkaas ayaa sheegtay in Majidreza Rahnavard lagu fuliyey xukun deldelaad ah oo ka dhacay magaalada Mashhad, tallaabadaas oo digniin u ah dadka kale.Rahnavard ayaa lagu eedeeyey inuu si ba’an u toorayeeyey laba askari oo ka tirsan ciidamada ammaanka ee magaalada Mashhad bishii hore, ka dib markii uu ka cadhooday in masuuliyiintu ay dil toogasho ah kula kacayaan debedbaxayaasha.Kooxaha debedbaxayaasha ayaa sheegay in dawladda Iran inay illaa haatan dil ku xukuntay ugu yaraan toban qof, ka dib markii la soo taagay, maxkamad xidhan oo aan dadweynaha loo ogolayn inay ka qaybgalaan dhegaysigeeda. Muddo saddex bilood ah oo mudaharaadadu ay socdeen waxaa dhintay illaa 488 qof.Kooxaha u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in xabsiga la dhigay illaa 18,200 oo qof.Rahnavard ayaa noqonaya qofkii labaad ee ka mida debed baxayaasha ee lagu fuliyo xukun deldelaad ah. Iran ayaa xukun deldelaada ku fulisay qofkii labaad ee ka mida debedbaxayaasha was last modified: December 13th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Askarigii dilay Juweeriya Subcis oo dil lagu xukumay next post Midawga Yurub oo qorshaynaya inay taageero milari u fidiyaan Ukraine You may also like Warka Galab ee Idaacada Warsan 21/08/2020 Shirweyne Maanta u furmay Maamulka G/Banaadir & Qodobada laga shirayo 02/12/2023 DEG DEG: Maxkamadda Gobolka Banaadir oo dil toogasha ah ku Xukuntay Sayid Cali oo Xaaskiisa Gubay 06/03/2024 Garoonka Diyaaradaha Xudur Oo Ay Weli Ka Socoto Howlo Dib Loogu Habeynayo “SAWIRRO” 09/09/2020 Maamulka Gobolka Hiiraan iyo DDSI oo xal ka gaaraya colaadda beelo Soomaaliyeed oo Aabaaley ka dhacday 21/06/2020 Gudoomiyaha BFS Sheekh Aadan Madoobe oo Turkiga ku booqday Guddoomiyhii hore ee Jawaari 25/10/2022 DHAGEYSO:-BARNAAMIJKA KULANKA WARSAN EE WARSAN RADIO IYO WARBAAHINRA KGS,BAYDHABO 26/12/2017 Ciidanka Nabadsugida Somalia oo howlgal qorsheysan fuliyay 15/04/2022 Madaxweyne Qorqoor oo kulan qadka Online la qaatay Siyaasiyiin iyo aqoonyahano 12/05/2020 Dhageyso;- Barnaamijka Bandhiga Warsan ee Idaacada Warsan 10/11/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.