Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo ka wada Mareykanka written by Warsan Radio 14/12/2022 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay Shir-madaxeedka Iskaashiga Afrika iyo Mareykanka ayaa kulan doceed ku saabsan xasilloonida Gobolka iyo isku xirka arrimaha gargaarka binu aadantinimada la qaatay Xoghayeyaasha Arrimaha Difaaca iyo Dibadda ee dalka Maraykanka.Kulanka ayaa waxaa ka qeyb-galay Madaxweyneyaasha dalalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Nayjar Mohamed Bazoum, waxayna Madaxdu adkeeyeen dhibaatada argagixisada ay ku hayso horumarka iyo xasilloonida qaaradda, iyadoo wadajir loo bogaadiyey guulaha muhiimka ah ee Ciidamada Soomaaliyeed ay ka gaareen howgallada xoreynta deegaannada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa soo bandhigay dhibaatada xooggan ee abaaruhu ay u geysteen nolasha dadka Soomaaliyeed iyo sida isbeddelka cimiladu uu qeyb weyn uga yahay, waxa uuna bogaadiyey qorsheyaasha ku saleysan in wadajir la isaga kaashado arrinkaas, iyadoo dowladda Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siineysa daryeelka deegaanka iyo la qabsiga isbeddelka cimilada.Sidoo kale, Madaxda ayaa wada jir u xoojiyey qorsheyaasha lagu lafa-gurayo Madasha Iskaashiga Afrika iyo Maraykanka, gaar ahaan in lagu garab istaago dowladaha Soomaaliya hiigsigeeda horumarineed iyo tallaabooyinka hor-u-socodka ah ee ay qaadeyso oo salka ku haya daris-wanaagga, iskaashiga, isku duubnida dhaqaale, amni iyo siyaasadeed. Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo ka wada Mareykanka was last modified: December 14th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Puntland oo xukun ku riday rag dilal iyo qaraxyo geystay next post Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan You may also like Axmed madoobe oo soo dhaweysay go’aankii Shaqada looga joojiyay Fahad Yaasiin 06/09/2021 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 22/02/2022 Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan 28/06/2021 Xiisad ka taagan degaano ay ku dagaalameen laba Maleeshiyo Beeleed 16/12/2023 Akhriso:-Soomaaliya oo garab Istaag buuxa u muujisay Sucuudiga 15/10/2018 Shirkii maanta loo balansanaa ee madaxda DF iyo DG oo wajahaya caqabad kala maqnaasho ah 12/09/2020 Xildhibanada DFS Oo Maanta Kadoodaya Hindise Sharciyeedka Jaangoynta & Tayo Dhawrka. 13/01/2020 Maxay ka wada hadleen Kheyre iyo Qoorqoor ? 04/01/2021 Darawal Mooto oo 1 Dollar dartiis loogu dilay Degmada Afgooye 02/09/2023 Musharax Daahir Geelle oo la kulmay Guddoonka Dallada Warbaahinta SOMA (SAWIRO) 01/09/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.