Wasiir Janan oo faahfaahiyay sababta ay u tageen Gedo written by Warsan Radio 17/12/2022 Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland Cabdirishiid Janan oo gaaray gobolka Gedo ayaa sheegay in uu halkaasi u tagay in uu fuliyo baaqii madaxweyne Xasan Sheekh ee ahaa in lala dagaalamo Al-Shabaab, lana abaabulo shacabka.Janan ayaa gaaray magaalada Dooloow, wuxuuna qeyb ka ahaa wafti uu hoggaaminayay Senator Jeneraal Cabdullaahi Fartaag, kuwaas oo markiiba heshiis la gaaray maamulka gobolka Gedo ee uu hoggaaminayo Axmed Buule Gareet.Qorshahooda ayuu ku tilmaamay in Al-Shabaab ka saaraan magaalada Bu’aale ee xarunta gobolka Jubbada Dhexe,isaga oo beeniyay in ay leeyihiin wax ajande siyaasadeed oo aanan ahayn in Alshabaab lala dagaalamo.Wafdiga gaaray Gedo ayaa gobolka kasoo galay dhanka Kenya kadib markii dhawr jeer ay u suurtagali weysay in ay kasoo galaan dhanka Muqdisho oo laga celiyay.Dhanka kale, hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka NISA ayaa mas’uul cusub usoo magacoowday booskii uu ka baxay Col Bakaal Kooke oo lagu diley qarax loo dhigay inta u dhaxaysa Dooloow iyo Luuq. Taliyaha cusub waxaa lagu magacaabaa Sareeye Guuto Axmed Xasan Sare. Wasiir Janan oo faahfaahiyay sababta ay u tageen Gedo was last modified: December 17th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Ururka Midowga Yurub oo ugu hanjabay shirkadda Twitter-ka cuna qabateyn next post Xildhibaano ka digay muddo kororsiga Laftagareen You may also like Cabdullahi Goodax “Haddii Dowladda ay rabto in ay wax ka qabato Al-Shabaab haka xorreyso Magaalooyinka ay ka heystaan Hiiraan” 04/09/2022 Wararkii ugu dambeeyay ee magacaabista Ra’iisal Wasaaraha cusub 07/08/2020 Bandow adag oo ka dhaqan-galay magaalooyinka Israel 14/09/2020 Dhageyso:Warka Caawa ee Idaacada Warsan 06/05/2020 Ruushka iyo Ukraine oo Maanta heshiis kala saxiixanaya 22/07/2022 Dhageyso:-Warka fiidnimo ee Idaacada Warsan 19/04/2020 QM oo shaacisay inay kordheen dadka ka barakacaya Abaarta kajirta Somalia 11/08/2022 NISA oo gacanta ku dhigtay 28 Qof oo doonayay inay AL-Shabaab ku biiraan 07/11/2023 Dowladda Somalia oo shaacisay kiisas cusub oo COVID-19 ah 10/12/2021 Dhageyso:-Odoyaal iyo Waxgarad ku sugan Garbahaarey oo Cabasho ka muujiyey dhib ka taagan Nin lagu diley Garbahaarey. 08/02/2018 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.