Wasiir Janan oo faahfaahiyay sababta ay u tageen Gedo written by Warsan Radio 17/12/2022 Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland Cabdirishiid Janan oo gaaray gobolka Gedo ayaa sheegay in uu halkaasi u tagay in uu fuliyo baaqii madaxweyne Xasan Sheekh ee ahaa in lala dagaalamo Al-Shabaab, lana abaabulo shacabka.Janan ayaa gaaray magaalada Dooloow, wuxuuna qeyb ka ahaa wafti uu hoggaaminayay Senator Jeneraal Cabdullaahi Fartaag, kuwaas oo markiiba heshiis la gaaray maamulka gobolka Gedo ee uu hoggaaminayo Axmed Buule Gareet.Qorshahooda ayuu ku tilmaamay in Al-Shabaab ka saaraan magaalada Bu’aale ee xarunta gobolka Jubbada Dhexe,isaga oo beeniyay in ay leeyihiin wax ajande siyaasadeed oo aanan ahayn in Alshabaab lala dagaalamo.Wafdiga gaaray Gedo ayaa gobolka kasoo galay dhanka Kenya kadib markii dhawr jeer ay u suurtagali weysay in ay kasoo galaan dhanka Muqdisho oo laga celiyay.Dhanka kale, hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka NISA ayaa mas’uul cusub usoo magacoowday booskii uu ka baxay Col Bakaal Kooke oo lagu diley qarax loo dhigay inta u dhaxaysa Dooloow iyo Luuq. Taliyaha cusub waxaa lagu magacaabaa Sareeye Guuto Axmed Xasan Sare. Wasiir Janan oo faahfaahiyay sababta ay u tageen Gedo was last modified: December 17th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Ururka Midowga Yurub oo ugu hanjabay shirkadda Twitter-ka cuna qabateyn next post Xildhibaano ka digay muddo kororsiga Laftagareen You may also like Laftareen oo booqday ciidankii dhowaan kusoo dhaawacmay dagaaladii bakool kadhacay 10/06/2020 Xukuumadda Somalia oo Ciidamada uga digtay inay ku milmaan Siyaasadda 12/04/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 26/07/2021 Wararkii ugu danbeeyay Dagaal xooggan oo ka dhacay xaafad ka tirsan Muqdisho 19/08/2023 Soomaaliya oo kahadashay dilalka Soomaalida loogeysto oo ka dhaca dalka Jarmalka 26/08/2022 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 24/12/2022 Xog: YAA BIXIYEY TELADA LAGU DHISEY HOGAANKA DABAGALKA SIYAASIYIINTA NISA 01/09/2020 Shiinaha oo siidaayay Askar iyo Saraakiil u dhashay Hindiya 20/06/2020 War murtiyeedka Shirka Madasha Qaran oo la saxiixay lana shaaciyay 27/05/2021 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 19/10/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.