Kalluumeysato muddo u afduubnaa Al-shabaab oo dib ugu laabtay Iran written by Warsan Radio 26/12/2022 Afar iyo toban kalluumaysato Iiraaniyiin ah oo ay gacanta ku dhigeen kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya, oo qaarkood la qabtay muddo siddeed sano ah kahor ayaa dib ugu laabtay dalkooda, sida ay maanta oo Axad ah sheegtay wakaaladda wararka ee jamhuuriyadda Islaamiga ah.Sida ay ku qortay wakaaladda wararka ee AFP , kalluumeysatada ayaa laga soo afduubtay biyaha caalamiga ah ee u dhow Soomaaliya, waxaana la sii daayay kadib “wadaxaajood dheer oo ay la yeesheen madaxda dowladda, isimada iyo odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed”, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ISNA.Waxaa lagu soo dhaweeyay xaflad gaar ah oo ka dhacday garoonka caalamiga ah ee Tehran ee Imam Khumeyni habeenimadii Sabtida kahor inta aan loo dhoofin magaalada koonfurta ee ay ku nool yihiin ee Chabahar.Siideyntooda ayaa timid ku dhawaad hal bil kadib markii booliska Soomaaliya ay sheegeen in ay ka heleen meel u dhow dhul ay gacanta ku hayaan 20 ajaaniib ah oo kala ah 14 Iranian ah iyo lix Pakistani ah.Ma cadda sida ay ku timid in la sii daayo, iyadoo booliiskuna aysan bixin faahfaahin dheeraad ah, iyagoo soo xiganaya baaritaan socda. Kalluumeysato muddo u afduubnaa Al-shabaab oo dib ugu laabtay Iran was last modified: December 26th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan next post Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan. You may also like Shirkii Baarlamaanada Afrika oo la soo Gaba gabeeye 03/09/2022 Maxakamad ayaa xukun ku ridday nin ku eedeysnaa inuu dilay Ra’isal wasaarihi hore ee Lubnaan. 19/08/2020 Maraykanka oo ka digey in Soomaaliya ay yeelato maamul xil gaarsiin muddo dheer 10/02/2021 Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre ayaa Isbitaallada ku booqday dadkii ku wax yeeloway weerarkii Hotel Xayaat 22/08/2022 Wasiirka Caafimaadka oo ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19 ee Dalka 04/03/2021 Baarlamaankii dalka Kuwait oo la kala diray 23/06/2022 AMISOM oo beenisay wararka sheegaya in dad badan ku laayeen duleedka Muqdisho 25/10/2017 Ciidanka NISA oo howlgal gaar ah ka fuliyay Muqdisho 05/07/2022 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 23/08/2022 Dhageyso:-Farmaajo oo ka warbixiyay xiriirka dalalka Gobolka 14/11/2018 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.