Madaxweyne Xasan Sheekh oo Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada written by Warsan Radio 05/01/2023 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo looga hadlay hirgalinta qorsheyaasha wax-qabadka hay’adaha dowladda ee sanadka 2023.Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku bogaadiyay Golaha Wasiirada diyaarinta qorshe sanadeedka waafaqsan hiigsiga qaran ee horumarka, xoreynta dalka iyo dib u dhiska ciidamada Qaranka ayaa markale adkeeyay in sanadka 2023 uu yahay sanadka dib u xoreynta dalka iyo dhammeystirka dhismaha hay’adaha dowladda.Madaxweynaha oo xusay ahmiyadda qorsheyaasha sanadkan loo madlanyahay hirgalintooda ayaa faray Golaha Wasiirada in si mas’uuliyad wadareed ah ay waajibaadkooda u gutaan iyaga oo mudnaan gaar ah siinaya isla xisaabtanka si loo xaqiijiyo himilooyinka ay muddada dheer ku taamayaan shacabka Soomaaliyeed.Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale ka dalbaday Golaha Wasiirada in si degdeg ah loo gaarsiiyo adeegyada dowladda deeganada laga saaray Al-Shabaab, iyada oo la hubinayo tayada Mashaariicaha dalka laga fulinayo in ay yihiin kuwo waxtar waara u leh bulshada. Madaxweyne Xasan Sheekh oo Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada was last modified: January 5th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Odayaal & Waxgarad ku dhawaaqay in Somaliland u ogolaan doonin Magaalada Laas-Caanood. next post Millateriga Somaliland oo shaaciyay sababta keentay in ay ka baxaan guddaha Laascaanood You may also like Daawo Muqaalka: Madaxweyne Shariif Xasan Oo Soo Gaarey Baydhabo, 11/09/2016 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 24/07/2020 Dhageyso:- Wareysi xasaasi ah oo aanu la yeelanay afhayeenka jaliyada YURUB KGS 1DA LUULYO. 01/07/2017 12-ka April xuska maalinta qaran ee ciidanka Xoogga Dalka (warbixin) 12/04/2021 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 16/08/2020 Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan 30/05/2020 Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika 12/02/2021 Madax Carbeed oo booqday Turkiga kadib Dhul gariirkii ka dhacay 13/02/2023 DAAWO MD KGS SHARIIF XASAN DIB UGU SOOLAABTAY BAYDHABO KUNA SOO DHAWEYEY MADAXA KA SOCOTAY UK 23/01/2018 Xukun lagu riday Nin dil iyo dhac u geystay Muwaadin Soomaaliyeed 16/03/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.