Maxaabiis dagaal oo Ukraine u dhashay oo la sii daayey written by Warsan Radio 09/01/2023 50 Maxbuus oo u dhashay dalka Ukraine ayaa dib ugu laabtay dalkooda Hooyo, kuwaasi oo ay Milliteriga Raashiya horey ugu qabteen goobaha Dagaalka.Andriy Yermak oo ah Madaxa Xafiiska Madaxweynaha Ukraine ayaa sheegay in Maxaabiista soo guryo noqday ay kala yihiin 33 Sarkaal iyo 17 Askari.Qoraal uu soo dhigay Barta Telgram ayuu ku sheegay in lagu guuleystay Maxaabiis Isdhaafsi kale, iyadoo 50 maxbuus ee la soo daayey ay ka kala tirsan yihiin Ciiddanka Cirka, Ciddanka Ilaalada Qaranka, Ciiddanka difaaca Xuduudaha, Ciiddanka Badda iyo kuwa Hawlgallada Khaaska ee Ciiddanka Ukraine.“Waxaan dib u soo celinay dadkii lagu qabtay Rugta Tamarta Nukliyeerka ee Chernobyl iyo Difaacayayaasha magaalladda Mariupol, Goballada Kyiv, Kherson, Chernihiv iyo kuwo kale oo ay Hawlgallada Milliteriga laga qaaday” ayuu yiri Madaxa Xafiiska Madaxweynaha Ukraine.Si kastaba ha ahaatee, Tirada Guud ee Maxaabiista Milliteriga Ukraine iyo dadka Rayidka ee ay Raashiya sii daayeen sanadkii hore waxay baarayaan 1,596 qof. Maxaabiis dagaal oo Ukraine u dhashay oo la sii daayey was last modified: January 9th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Taageerayaasha madaxweynihii hore ee Brazil oo xoog ku galay baarlamaanka, maxkamadda sare iyo madaxtooyada next post Madaxweyne Deni oo ka hadlay sababta uu ku diiday saxiixa War-Murtiyeedkii Shirkii Madasha ee Muqdisho” You may also like MAAMULKA KOONFUR GALBEED OO MAGACOWDAY GUDOOMIYE CUSUB DEGMADA WAAJID 12/06/2020 DFS oo cambeeraysay weerar ay xuutiyiinta ku qaadeen dalka Sacuudiga. 01/03/2021 Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Farmaajo oo markale ku kulmay Madaxtooyada 19/05/2022 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 12/06/2021 Haweeney lagu dilay Degmada Balcad iyo ninkii dilay oo la qabtay 15/05/2021 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 17/05/2020 DIGNIIN LAGA BIXIYEY DHULALKA LA ISKU QABSADO EE BAYDHABO KU YAALA 21/04/2018 Akhriso:-Midowga Yurub oo yiri Imaaraadku ha ixtiraamo madax-bannaanida dhulleed iyo Qarannimada Soomaaliya 06/07/2018 Dhageyso: Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 16/01/2023 Mareykanka Oo Walaac Xooggan Ka Muujiyey Gantaal Cusub Oo Ay Tijaabisay Iiraan 06/11/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.