Maxaabiis dagaal oo Ukraine u dhashay oo la sii daayey written by Warsan Radio 09/01/2023 50 Maxbuus oo u dhashay dalka Ukraine ayaa dib ugu laabtay dalkooda Hooyo, kuwaasi oo ay Milliteriga Raashiya horey ugu qabteen goobaha Dagaalka.Andriy Yermak oo ah Madaxa Xafiiska Madaxweynaha Ukraine ayaa sheegay in Maxaabiista soo guryo noqday ay kala yihiin 33 Sarkaal iyo 17 Askari.Qoraal uu soo dhigay Barta Telgram ayuu ku sheegay in lagu guuleystay Maxaabiis Isdhaafsi kale, iyadoo 50 maxbuus ee la soo daayey ay ka kala tirsan yihiin Ciiddanka Cirka, Ciddanka Ilaalada Qaranka, Ciiddanka difaaca Xuduudaha, Ciiddanka Badda iyo kuwa Hawlgallada Khaaska ee Ciiddanka Ukraine.“Waxaan dib u soo celinay dadkii lagu qabtay Rugta Tamarta Nukliyeerka ee Chernobyl iyo Difaacayayaasha magaalladda Mariupol, Goballada Kyiv, Kherson, Chernihiv iyo kuwo kale oo ay Hawlgallada Milliteriga laga qaaday” ayuu yiri Madaxa Xafiiska Madaxweynaha Ukraine.Si kastaba ha ahaatee, Tirada Guud ee Maxaabiista Milliteriga Ukraine iyo dadka Rayidka ee ay Raashiya sii daayeen sanadkii hore waxay baarayaan 1,596 qof. Maxaabiis dagaal oo Ukraine u dhashay oo la sii daayey was last modified: January 9th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Taageerayaasha madaxweynihii hore ee Brazil oo xoog ku galay baarlamaanka, maxkamadda sare iyo madaxtooyada next post Madaxweyne Deni oo ka hadlay sababta uu ku diiday saxiixa War-Murtiyeedkii Shirkii Madasha ee Muqdisho” You may also like Akhriso+Sawiro:-Ra’iisul Wasaare Khayre: Mowqifka Dowladda Waa In La Dhamaystiraa Hay’adaha Dowladeed Ee Galmudug 26/06/2019 Akhriso:- Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb galay wada-hadallada heerka sare ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika 03/09/2018 DHAGEYSO:-BARNAAMIJKA KULANKA WARSAN 20/10/2017 Maamulka Gobolka Hiiraan iyo DDSI oo xal ka gaaraya colaadda beelo Soomaaliyeed oo Aabaaley ka dhacday 21/06/2020 Qarax weyn oo goor dhow ka dhacay Muqdisho 04/07/2020 Dhageyso;- Warka Duhurnnimo ee Idaacada Warsan 13/11/2022 QM oo Bayaan kasoo saartay Abaarta kajirta meelo kamid ah Sooomaaliya 22/06/2022 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 10/04/2021 Security Council Press Statement on Somalia 24/04/2021 Akhriso:-Wasiir Beyle oo sheegay in lacagihii Turkiga ku kabi jiray Miisaaniyadda aanay 3 bilood soo gaarin 15/07/2017 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.