Madaxweynaha Rwanda oo ku hanjabay inuu saarayo qaxootiga u dhashay Congo written by Warsan Radio 10/01/2023 Madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame ayaa ku hanjabay inuu dalkiisa ka saarayo kumaanka qaxootiga ah ee u dhashay dalka Congo ee dalkiisa ku nool, haddii beesha caalamku ay sii waddo inay ku eedayso in dalkiisu uu masuul ka yahay colaadda ka taagan bariga Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo.Madaxweynaha oo ka hadlayey xaflad lagu dhaarinayey afhayeenka aqalka Senate-ka ee Rwanda, ayaa wuxuu Kagame yidhi “ma sii wadi karno marti-gelinta qaxootiga, iyada oo hadhowna nalaku eedaynayo inaanu xadgudubyada loo geysanayo qaxootiga, taasoo ka dhalatay isir sifayn ka dhacday dal kale – iyada oo aanu noqonay meel lagu soo daadiyo dadka xuquuqdooda la duudsinayo.” ayuu yidhi.Madaxweyna Kagame oo markii hore ku hadlayey luuqadda dalkiisa ayaa u wareegay luuqadda Ingiriisida inuu ku hadlo, taasoo uu isticmaalo marka uu rabo inuu fariin u diro beesha caalamka.Kagame ayaa sheegay inay u diyaar garoobeen in la cambaareeyo, ka dib markii ay sameeyeen falal ay ahayd inay sameeyaan.Dawladda Congo iyo Qaramada Midoobay ayaa ku eedeeyey Rwanda inay taageerayso jabhadda M23 taasoo ah jabhad mucaarad ku ah dawladda Congo, kana dagaalanta bariga dalkaas, hase ahaatee dawladda Rwanda ayaa iyadu diiday eedda loosoo jeedinayo. Madaxweynaha Rwanda oo ku hanjabay inuu saarayo qaxootiga u dhashay Congo was last modified: January 10th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dugsiyo ku yaalla Maraykanka oo dacwad ku soo oogay shirkadaha iska leh baraha bulshada next post Muqdisho oo lagu soo gebagebeeyey Shirweyne lagu lafaguray dhibaatada maandooriyuhu ku hayo bulshada You may also like Guddoomiyaha degmadda shibis oo xilkii laga qaadey lana xiray 20/04/2020 Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo gudoomiye Jawaari oo markii ugu horeysay muddo kulmay 16/09/2020 Dab xalay ka kacay goobo ganacsi oo ku yaal magaalada Jowhar 24/12/2019 Madaxweynaha Xasan Sheekh oo Qaabilay Wasiirka Gaashaandhigga Kenya 18/10/2023 Rag Shabaabnimo lagu eedeeyay iyo Qaraxyo la qabtay oo lasoo bandhigay (Sawirro) 18/07/2020 Madaxweynaha Jubbaland oo sheegay in dalka ay kajirto Abaar daran 06/07/2022 Dhageyso:-TOBAN WASIIR OO KAMID NOQON DOONO XUKUUMMADDA CUSUB EE MADAXWEYNA CUSUB KOONFUR GALBEED OO LAGU DHAWAAQAY. 02/02/2019 Khalifa Haftar Oo Sheegtay Inuu Yahay Madaxweynaha Liibya 28/04/2020 Militariga Suudaan oo dib u soo celinaya Ra’isul Wasaarihii xilka laga tuuray 21/11/2021 Xanuun seddex kun oo Geel ah ku dilay Sool iyo maamulka gobolkaas oo ka hadlay 01/06/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.