Imran Khan oo ka digay ‘dagaal ka dhex qaraxa’ Pakistan iyo Taalibaan written by Warsan Radio 11/01/2023 Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa Talaadadii u ololeeyay xiriir iskaashi oo laba geesood ah oo lala yeesho taliska Taliban ee Afghanistan, isaga oo ka digay xiisadaha labada dhinac ee la dagaallanka argagixisada inay Pakistan ku noqon karaan “dagaal musiibo ah oo daba dheeraada.”Khan ayaa ka hadlay dood-cilmiyeed ka dhacday caasimadda Islamabad, iyadoo mowjado cusub oo argagixisannimo ay kusoo wajahan yihiin Pakistan, gaar ahaan degmooyinka waqooyi-galbeed ee ku dhow xudduudka Afghanistan, halkaas oo ay ku dileen boqollaal ka tirsan ciidamada ammaanka iyo dad rayid ah.Inta badan rabshadaha waxaa lagu eedeeyaa ama sheegta xagjiriinta xiriir la leh kooxda falaagada ah ee Tehrik-i-Taliban Pakistan (TTP), oo loo yaqaan Talibanka Pakistan.Maleeshiyadan oo ay ku jiraan hoggaanka TTP ayaa gabbaad ka dhigtey dalka Afghanistan kadib markii ay kasoo carareen howlgalada ka dhanka ah argagixisada ee Pakistan, waxaana ay halkaasi ka fuliyeen weerarro argagixiso.Khan ayaa ku eedeeyay xukuumadda isaga bedeshay ee Ra’iisul Wasaare Shehbaz Sharif, inay soo saartay “hadal khatar ah oo mas’uuliyad darro ah oo ka dhan ah mas’uuliyiinta Taliban ee Afghanistan” taasoo keentay culeys xagga xiriirka laba geesoodka ah, halkii ay ka raadin lahaayeen iskaashi si loola dagaallamo khatarta argagixisada ee TTP.“Haddii dowladda Afghanistan ay joojiso wadashaqeynta ay nala leedahay ama aad kharribto xiriirka kaala dhexeeya, markaas dagaalkan lagula jiro argagixisada ee Pakistan wuxuu noqonayaa mid aan dhammaad lahayn oo wuxuu noo noqonayaa masiibo weyn,” ayuu yiri ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan. Imran Khan oo ka digay ‘dagaal ka dhex qaraxa’ Pakistan iyo Taalibaan was last modified: January 11th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Hub ka-dhigista TPLF oo bilaabatay next post Maxaa kasoo baxay kulankii Madaxweyne Xasan Sheekh & Senator Fartaag? You may also like Madaxweyne Qoor Qoor oo sheegay in Maamulka Galmudug u baahan tahay xasilooni Amni & mid siyaasadeed 15/08/2022 Waa Kuma Sheekh Adan Maxamed Nuur (Adan Madoobe),Guddoomiyaha Cusub Ee Golaha Shacabka Soomaaliya? 28/04/2022 Cadeymo la helay oo muujinaya qaabkii loo dilay wiilkii Maxamed Mursi 08/09/2020 Madaxweyne Xasan Sheekh oo shacabka u diray Fariin ku aadan Cunuqabateeynta Hubka ee laga qaaday dalka 02/12/2023 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 19/08/2020 Gudoomiye Cabdi Xaashi Iyo Xildhibaano Oo Ku Biiray Shirka Musharaxiinta Madaxweynaha 23/11/2020 DHAGEYSO: Cabduqaadir Macalin Cabdinuur oo muddo 11 Bilood ku xirnaa Xabsi ku yaala Boosaaso oo dib u heley Xuryidiisa. 06/08/2018 Guddiga Gurmadka abaaraha oo Warbixin siiyay Ergayga gaarka 30/05/2022 Golaha Ammaanka oo kulan gaar ah ka yeelanaya xaallada dalka Ukraine 08/01/2023 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 02/06/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.