Dagaal Muqdisho ku dhexmaray ilaalada Xildhibaan Yuuusuf Kabaale & Ciidamo kale. written by Warsan Radio 11/01/2023 Is rasaaseyn khasaaro kala duwan geystay ayaa ku dhexmartay nawaaxiga Garoonka diyaaradaha Muqdisho ilaalada Xidlhibaan Yuusuf Kabaale oo katirsan Golaha Shacabka iyo Ciidamo katirsan kuwa Nabadsugida Soomaaliya.Is rasaaseynta ayaa timid kadib markii Ciidamada NISA ee ku sugan Koontoroolka Madiino Gate ay isku dayeen inay celiyaan Gaariga uu watay Xildhibaan Yuusuf Kabaale oo kayimid dhinaca Danwadaagaha kuna wajahnaa Garoonka, balse ay ka biyo diideen ilaalada Xildhibaanka, waxaana is rasaaseynta ku dhintay Askari kamid ah Ciidada NISA.Sida ay Risaala u sheegeen saraakiil katirsan laamaha Amniga israsaaseynta ayaa waxaa kusoo baxay Saraakiil iyo Ciidamo kale, iyaga oo kala dhexgalay dhinacyada dagaalamay kadibna xaliyay.Wararka kale aan helnay ayaa sheegaya in Askariga is rasaaseynta ku dhintay oo Magaciisa lagu soo koobay Carabeey uu muddo badan ka Shaqeeynayay Koontoroolka Madiino Gate, iyada oo Gaariga uu la socday Xildhibaan Yuusuf Kabaale uu socdaalkiisii iska sii watay. Dagaal Muqdisho ku dhexmaray ilaalada Xildhibaan Yuuusuf Kabaale & Ciidamo kale. was last modified: January 11th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Taliska Booliska Gobolka Banaadir oo cabasho ka ah Ciidamada hubeysan next post Dhageyso: Warka Fiidnimo ee iDaacada Warsan You may also like Dhageyso: Barnaamijka Dhacdooyinka Idaacada Wrasan 10/06/2023 Dhageyso:-Warka fiidnimo ee Idaacada Warsan 19/02/2020 Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo magacaabay Guddoomiyiha Gobolka Bay 03/07/2021 Dad Muslimiin Ah Oo Lagu Laayay Gobolka Amxaarada Ee Dalka Itoobiya 28/04/2022 Madaxweyne Farmaajo oo martigelinaya munaasabad lagu dhameystirayo arrimaha doorashooyinka 02/03/2021 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacda Warsan 26/09/2020 DHAGEYSO:-WARBIXIN BIYO YARIDA IYO CEELASHA BAYDHABO KU YAALA JECEELOW 25/10/2017 RW Rooble oo la kulmay Xildhibaannada labada Aqal ee Gobolada Waqooyi 24/02/2022 Dhageyso: Fariinta Wacyigelinta COVID 19. 07/07/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Arimaha Bulshada gaar ahaan Caafimaadka 16/08/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.