Dagaal Muqdisho ku dhexmaray ilaalada Xildhibaan Yuuusuf Kabaale & Ciidamo kale. written by Warsan Radio 11/01/2023 Is rasaaseyn khasaaro kala duwan geystay ayaa ku dhexmartay nawaaxiga Garoonka diyaaradaha Muqdisho ilaalada Xidlhibaan Yuusuf Kabaale oo katirsan Golaha Shacabka iyo Ciidamo katirsan kuwa Nabadsugida Soomaaliya.Is rasaaseynta ayaa timid kadib markii Ciidamada NISA ee ku sugan Koontoroolka Madiino Gate ay isku dayeen inay celiyaan Gaariga uu watay Xildhibaan Yuusuf Kabaale oo kayimid dhinaca Danwadaagaha kuna wajahnaa Garoonka, balse ay ka biyo diideen ilaalada Xildhibaanka, waxaana is rasaaseynta ku dhintay Askari kamid ah Ciidada NISA.Sida ay Risaala u sheegeen saraakiil katirsan laamaha Amniga israsaaseynta ayaa waxaa kusoo baxay Saraakiil iyo Ciidamo kale, iyaga oo kala dhexgalay dhinacyada dagaalamay kadibna xaliyay.Wararka kale aan helnay ayaa sheegaya in Askariga is rasaaseynta ku dhintay oo Magaciisa lagu soo koobay Carabeey uu muddo badan ka Shaqeeynayay Koontoroolka Madiino Gate, iyada oo Gaariga uu la socday Xildhibaan Yuusuf Kabaale uu socdaalkiisii iska sii watay. Dagaal Muqdisho ku dhexmaray ilaalada Xildhibaan Yuuusuf Kabaale & Ciidamo kale. was last modified: January 11th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Taliska Booliska Gobolka Banaadir oo cabasho ka ah Ciidamada hubeysan next post Dhageyso: Warka Fiidnimo ee iDaacada Warsan You may also like RW Rooble oo dowladda Britain kala hadlay u gurmashada dadka abaartu saameysay 06/02/2022 Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinkaoo kulan muhiima la yeeshey ergeyga gaarka ah ee xoghayaha Qaramadda Midoobey 28/06/2024 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 20/01/2021 Dhageyso: Warka Galabnimo ee Idaacada Warsan 04/06/2023 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 25/06/2020 Trump iyo Biden waxay amreen amaro iskahorjeedo la dagaalanka Al Shabaab 22/03/2021 Madaxwaynaha JFS oo hambalyo udiray shacabka Munaasibadda bisha barakaysan ee Ramadaan awgeed 13/04/2021 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 14/10/2020 Dhageyso:-Ganacsatada Baydhabo oo ka hadashay dib u dhaca doorashada Koonfur Galbeed iyo ciidamada Dowladda ay keentay Baydhabo. 03/12/2018 Dhageyso: Warka Subaxnimo ee Idaacada Warsan 27/01/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.