Shirkad uu leeyahay Trump oo la ganaaxay illaa $1.6 milyan written by Warsan Radio 14/01/2023 Maxkamad ku taalla magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa Jimcihii xukun ku ridday shirkad uu leeyahay madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Donald Trump, ka dib markii lagu helay dembi la xidhiidha ‘wax isdaba-marin dhinaca cashuuraha ah’ oo socotay muddo 15 sannadood ah.Garsoore Juan Merchan oo ka tirsan maxkamadda dembiyada ee Manhattan ayaa ku xukumay shirkadda Trump lacag gaadhaysa illaa $1.6 milyan oo dollar oo ganaaxa, waana ganaaxa ugu badan ee suurto gal ah marka la eego sharciga gobolka.Madaxweynaha hore ayaa isagu hore u dedafeeyey inuu wax ka ogaa in madaxdiidu ay si sharci darro ah uga dhuumanayeen cashuuraha.Garsoore Merchan ayaa Salaasadii wuxuu xukun ku riday Allen Weisselberg oo muddo nus qarni ah u shaqaynayey qoyska Trump, ahaana madaxii hore ee maaliyadda ee shirkadda Trump, wuxuuna ku xukumay shan bilood oo xadhig ah.Susan Necheles, oo ka mid ah qareenada difaacayay, ayaa sheegtay in shirkadda Trump ay qorsheyneyso inay racfaan ka qaadato.Sidoo kale qoraal ka soo baxay shirkadda ka dib markii xukunka la soo saaray ayay ku sheegeen inaanay wax khalad ah samayn, isla markaana ay xukunkaas racfaan ka qaadanayaan.Xeer Ilaaliyaha Degmada Manhattan Alvin Bragg, oo xafiiskiisu uu keenay kiiska, ayaa wali wada baaritaan dambiyeedka hab-dhaqanka ganacsi ee Trump. Shirkad uu leeyahay Trump oo la ganaaxay illaa $1.6 milyan was last modified: January 14th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Faransiiska iyo Jarmalka oo ku baaqay in Afrika ‘kuraas joogto ah laga siiyo golaha ammaanka ee QM’ next post Madaxweyne hal mar $10,700 rooti ku iibsaday, jalaatona ku gatay $1,600 You may also like Magacaabista Danjiraha cusub ee Maraykanka u joogi doona Somalia oo la ansixiyey 05/05/2024 Dhageyso: Kulanka gudoomiyaasha xaafadaha baydhabo oo looga hadlay wacyi galinta iyo kawada qeyb qaadashada hormarka iyo nadaafada baydhabo. 11/01/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 10/10/2020 Gudoomiyaha golaha shacbaka iyo Madaxweynaha Koofur galbeed oo kulan la yeeshay Xildhibaanada ka soo jeeda KG 21/09/2020 Golaha Ammaanka ee QM oo ka shiraya xaaladda Soomaaliya 17/11/2021 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 01/08/2021 Haabeenkii 10aad iyo Tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Warsan 01/04/2023 DHAGEYSO:-FADIILATU SHEIKH XASAN GAAB CASHARKA 5AAD TAFSIIRKA QURAANKA KARIIMKA AH JIMCO 05/11/2017 Daawo Barnaamij oo Warbixiin ku saabsan Xalada Noolaleedka Bulshad Ku Dhaqan Degmada Waajid ee gobalka bakool 25/12/2016 Dhageyso: Wabiga Shabeelle oo biyo yareeyey iyo cabsi laga qabo cuduro ka dilaaca degmada Afgoye ee Gobolka Shabeelaha hoose 01/03/2018 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.