Waxaa saacadihii la soo dhaafay kulan gaar ah ku yeeshay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaadka yahay ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni & Madaxweynihii hore ee Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole.
Kulanka ayaa labada dhinac waxaa ay uga hadleen xaaladaha Guud ee Puntland, muranka la xiriira doorashada ee weli ka taagan degaannada maamulka Puntland iyo arrimo kale.
Madaxweynihii hore ee Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole ayaa ka dalbaday Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni in uu xal u raadiyo dhameynta khilaafka yare e weli kajira doorashada, isla markaana wada-hadallo uu la furo siyaasiyiinta mucaaradka Puntland.
madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaadka yahay ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wararka aan helnay waxaa ay sheegayaan in uu dhankiisa aqbalay go’aanka uu u soo jediyay Senator Cabdiraxmaan Faroole.
Wararka kale aan heleyno ayaa waxaa ay sheegayaan in qaar kamid ah Isimada dhaqanka Puntland dhankooda ay wadaan dadaalo ku aadan sidii doorashada Madaxweynaha & Madaxweyne kuxigeenka Puntland iyo tan Xildhibaannada ay si wanaagsan oo lagu wada qanacsan yahay u dhici laheyd.
Dhowrkii Bilood ee la soo dhaafay ayaa waxaa muran uu ka taagan yahay doorashada Puntland kadib markii Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu sheegay in uu qabanayo doorasho qof iyo cod ah, hayeeshee siyaasiyiinta mucaaradka ay sheegeen in uu uga gol leeyahay muddo kororsi uu sameysanayo