Maamulka Koofur galbeed ee fadhigiisa uu yahay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay ayaa mar kale sheegay in uu isbadal ku sameyn doono Maamulada gobolada iyo kuwa Degmooyinka ee haatan ka taliya Saddexda Gobol ee Sh/hoose, Bay iyo Bakool.
Wasiirka arrimaha gudaha Maamulkaasi Cabdiraxmaan Maxamed Ibraahim sate oo la hadlay Warbaahinta ayaa inkastoo uusan carabka ku dhufan waqtiga ay sameynayaan isbadalkaasi Maamul haddana waxa uu sheegay in qorshaha ay ka la leeyihiin arrintaani ay tahay in ay dardargaliyaan dhismaha Hay’adaha Maamulka si loo daboolo baahida Dadka ay u qabaan inay helaan Maamul ka shaqeeya danahooda.
“dhismaha Maamulada waxaan guda galeynaa maalmaha soo socda, waxaa socda wadatashiyo lala yeelanayo Dadka Deegaanka si loo ogaado baahida Maamulka, waxaan booqasho ku tagnay dhowr Magaalo ujeedadu waxa ay ahayd in la qiimeeyo baahida adeegyada bulshada” ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha Koofur galbeed.
Maamulka Koofur galbeed ayaa wareegto uu soo saaray horaantii bishaan ku magacaabay Gudoomiye kuxigeenka dhinaca ammniga ee Gobolka Sh/hoose, sidoo kale waxa uu Maamul cusub u magacaabay Magaalada Baraawe ee Gobolka Sh/hoose.