Hawshan Balaaran ee wax looga qabanayo Toga weyn ee mara Magaalada Baardheere oo xilliyada roobabka ku fatahi jirey qaar ka mid ah Xaafadaha Baardheere ayaa la bilaabay dabayaaqadii bishii hore ee sanadkan,waxaana qorshaha uu yahay bartama bishan Oktoobar in la soo gabagabeeyo, dadka ka shaqaynaya ayaa gaaraya ilaa 300 boqol,kuwaasi oo jaraya dhirta ku baxday, ciidda iyo qashinkana ka qaadaya.
Togan oo lagu lagu magacaabo bohosha Baraxow ayaa waxuu maraa ilaa 3 xaafadood oo kala ah,Buulo kurmaan,Horseed iyo masawa,dadka xaafadahaasi degan ayaa u badan Qoysas dan yar ah , waxaana uu dhererkiisu uu gaarayaa Togaasi ilaa 2 kilimirir iyo bar,ugu dambeena waxuuna biyaha xoogooda uu ku shubaa Webiga Jubba oo dhex mara degmadda Baardheere.
Maxamed Macalin waxaa uu ka mid yahay Guddi Farsamo yaqaano oogaraya ilaa 11 ruux,kuwasi oo ka qeyb qaadanaya Howshan waxaana uu sheegay howshan inay socoto muddo labo asbuuc ah,waxaana ka shaqeynaya ilaa 300 oo ruux oo muruq maal ah kuwaasi oo loo isticmaalayo jarista Geedaha ka baxay Toga,baneynta, gubista geedaha iyo Baldoosaro ,waxaa sidoo kale howshan ka qeyb qaadanaya ayuu yiri qaar ka mid ah dadka fatahaada toggu horay u saamaysay oo xoogooda iyo maskaxdooda ku bixinaya.
Daahir Bashiir waxaa uu ka mid yahay H/wadeenada Ururka Samafalka wadaniga ee HARDA ee fulinaya howsha lagu xirayo Toga qaban ,waxaana uu Warsan Radio u sheegay kharashka ku baxaya Togan in ay gaareyso ilaa 85kun oo Dolar,dhaqalaha waxaa laga helay ayuu yiri Hay,adda NIS-FOUNDATION
Cali Maxamuud waxaa uu ka mid yahay Odoyaasha Degmada,bur burkii ka horna waxuu ah Gudoomiyahii degmada Baardhere,waxuuna sharaxayaa sida toggaani uu u samaysan yahay , meeshuu ka yimaaddo, siduu biyaha u keeno, isagoo sheegayna khasaarahii ugu dambeeyey inuu geystey 2014kii,bishii novembar, 2015 waxaa aad u yaraa Roobabkii xilligaasi da,ay.
Safiyo Aden waa hooyo leh ilaa 5 caruur ah waxayna ka mid tahay dadka degan Xaafada kurmaan ee uu maro Toga waxayna sharaxaysaa dhibaatada iyada ka soo gaartay shakhsiyan fatahaada toga uu sameeyo Xilliyada Roobabka.
Faadumo Saciid waa hooyo leh ilaa 8 caruur ah,waxayna ka mid tahay Haweenka muruq maalka ah ee ka shaqeynaya Toga,waxayna sheegtay in mudo 7aad ah ay ka shaqeynayso toga, maalintiina la siiyo lacag dhan 5 dolar iyo raashin,waxayna intaasi ku dartey in ay ka mid tahay Qoysaska mudada badan waxyeelada ay ka soo gaartey Toga.
Toga ayaan helin wax dayactir iyo dib u habeyn tan iyo intii ay bur burtey Dowladii dhexe ee soomaaliya,waxaana uu dhererkiisu uu gaarayaa ilaa 2 kilimirir iyo bar,ugu dambeena waxuuna biyaha xoogooda uu ku shubaa Webiga Jubba ee mara Baardheere,.