Tan iyo markii Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay bilaabatay Doorashooyinka dadban ee Aqalka Hoose Baarlamaanka Federalka Soomaliya ayaa Maanta waxaa dhacay Tartankii Ugu adkaa kaa soo ay ku tartamayen Musharaxiin Gaaraysa 7 Musharax oo isugu jiray Siyaasiyiin xilal haya iyo kuwo horay xilal sare usoo qabtay oo taageero iyo shacbiyad balaaran ku leh deegaanada koonfur Galbeed soomaaliya.
Musharixiintii Tartamay waxay Kala ahaayeen 1 Gudoomiyaha Gobolka Bay Cabdirashiid Cali Maxamed 2 Agaasimaha Madaxtooyada KG Cali Ibraahim Macalin 3 Xilibaankii horay xilka u hayay Cumar Cali Cumar Balash 4 wasiirka Amniga KG Cabdi Fitaax Maxmed Ibraahim Geeseey 5 Gudoomihii hore Gobolka Bay Cabdi Adan Hoosoow 6 Madaxii Hore Hay`ada ICRC ee konfurta Soomaliya Yuusuf Xasan Mursal 7 Xasan Abshirow oo ah siyaasi in badan Siyaasada ku jiray
Wareegii koobad ayaa waxaa isku soo haray Cabdi Fitax geeseey iyo Cumar Balasha waxaana dib loogu laabtay Doorashadii Cabdifitaax Maxamed Ibrahim waxaa uu helay 33 cod halka uu Cumar Cali uu helay 18 cod sidaasi ay guusha ku raacday Xilibaan Cabdifitaax Maxamed Ibraahim Geeseey
Si lama filaan ah ayaa waxaa u bilaabday banaan bax lagu soo dhaweynayo Xilibaanka cusub oo Shacbiyadiisa ay bilaabeen Ciyaar dhamaan magaalada baydhabo.