Waxbarashada Sare ee Gobolka Hiiraan
Qodobada
- Jaamacaadka ka furan gobolka
- Tayada Waxbarashada sare ee gobolka
- Suuragalnimada helista Master Degree
Jaamacaadka ka furan gobolka
Gobolka hiiraan oo ka tirsan gobolada ugu facaweyn dalka soomaalia ayaa kadib burburkii dowladii dhexe ee uu hogaaminayay Maxamed Siyad Bare waxa uu ka gaaray waxbarashada sare meel wanaagsan.
Waxey aheyd markii ugu horeysay ee jaamacad laga hergaliyay gobolka hiiraan 01 Septembar 2009, jaamacadaas oo loogu magacdaray Jaamacada Beledweyne “Beledwein University” oo aay aasaaseen dad aqoonyahano ah oo kasoo jeedo gobolka hiiraan, kadib markii aay dareemeen iney jirto baahi xoogan oo xagga waxbarashada sare ah.
Magaalada beledweyne oo ay ku nool yihiin bulsho badan ayaa waxaa ka furan iskuulo badan, iyadoo ardayda ka qalinjabisa dugsiga sare ay waxbarasho jaamacadeed u doonan jireen magaalada muqdisho ama wadamada dibada si ay u helaan waxbarasho tayo sare leh.
Dhinaca kale ardayda dhameysata dugsiga sare ee aan fursada u helin si ay waxabarashada usii wataan, maadaama aysan awood u laheyn iney aadaan magaalada muqdisho ama dibada ayna dhicijirtay iney halkaasi waxbarashada ugu haraan.
Laakiin markii ay hergashay jaamacada beledweyne waxaa arday badan oo ku sugan magalaada beledweyne u suuragashay iney helaan waxbarasho sare, ayagoo jooga guryahooda, sila markaana aay ka maarmeen iney waxbarasho aay u doontaan magaalada muqdisho ama dibadaha kale.
Haatan oo bulshada ku dhaqan magaalada beledweyne ay sii fahmeyso muhiimada ay leedahay waxbarashada ayaa waxaa soo kordhay jaamacado dhowr ah sida jaamacada Hiiraan, jaamacada Plasma, jaamacada jobkey iyo jaamacada central.
Magaalada beledweyne ee xarunta gobolka hiiraan ayaa waxaa iminka ka shaqeeyo ilaa shan jaamacadood kuwaasi oo kala ah Jaamacada beledweyne, jaamacada hiiraan, jaamacada plasma, jaamacada jobkey iyo jaamacada central.
Jaamacadahan ayaa iminka ardayda dhigata sii kordheysa sanadba sanadka xiga, maadaama arday badan ay kasoo qalinjibinayaan dugsiyadaha sare ee ku yaala degmada.
Tayada Waxbarashada sare ee gobolka
Tayada waxbarashada sare ee gobolka ayaa waxaa lagu tilmaamaa ineysan la mid aheyn mida ka jirta magaalada muqdisho, maxaa yeelay macalimiin qibrad dheer leh oo adag sida lagu helo iyo adeegyada fududeeyo waxbarasha sare oo iyadana sidii loogu baahnaa loo helin.
Waxbarasha sare oo u baahan dowlad awood u leh ilaalinta tayadeeda, ayaan jirin ilaa iyo iminka dowlad karti leh oo mus’uuliyadaasi la wareegto.
Baaritaan aan sameeyay ayaan waxaan ku ogaaday qaar ka mid ah ardayda fariisata jaamacadaha dalka iney heysanin shahaadada dugsiga sare, taasi oo dhaawicikarta tayada waxbarasha dalka.
Ardaydan aanan heysanin shahaadada dugsiga sare marka ay fariisanayaan jaamacada ayaa waxey sameeyaan shahaado been abuur ah si ay u fariistaan jaamacada.
Ugu dambeyntii ardayda dhigata jaamacadaha gobolka gaar ahaan magaalada beledweyne ayaa waxey yihiin kuwo aad iyo aad ugu dadaalo waxbarshada jaamacada si aay u gaaraan himiladooda fog.
Suuragalnimada helista Master Degree
Suugalnimada helista Master Degree ayaa ah mid aan sahlaneyn adigoo joogo magaalada beledweyne ee xarunta gobolka hiiraan.
Arday badan oo dhameysatay shahaadada koobaad ee jaamacada ayaa haatan ku sugan magalaada beledweyne, kuwaasi oo jeclaan lahaa iney sii wataan shahaadada labaad ee heerka jaamacada, laakiin aysan wali u suuraglin hilimadaasi.
Mar aan la sheekeystay arday badan oo jeclaanlahaa iney bilaabaan shaqaadada labaad ee jaamacada Master degree ayaa ii tibaaxay ineysan fursad lacag ama waqti u helin bilaabista shahaada labaad ee jaamacada.
Bashiir cabdulahi cismaan
Bashka694@gmail.com
Beledweyne.soomaaliya