Gollaha Wasiirada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa warbixino ka dhageysteen Gudiga gurmudka abaaraha Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya oo maalmihii la soo dhaafey sahan u jirey Degmoyinka Xudur iyo Ceelberde Ee Gobolka Bakool.
Gudiga ayaa waxay Sheegeen in xaalad bini’aadanimo oo liita ay ka jirto Gobolkaas isla markaana waxay xuseen in loo baahan in wax laga qabto dadka abaarta saameysey Ee Gobolkaas.
Ku simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ahna wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maxamed Xasan Fiqi oo warbaahinta la hadley ayaa sheegey in ay sidoo kale ay magacaaween Xubno Cusub oo sahan ku tagaya Gobolka Shabelle Hoose .
Abaarta ku dhufatey Koonfur Galbeed ayaa waxay Xoolo dhaqato badan dhafisay Xoolihii ay dhaqan jireen, kuwaasoo iminka soo buux dhaafiyey Magaalooyinka isla markaaana abaarta iyo Biyo la’aanta waxa barbar socoda Cudurka Shuban biyoodka oo ka dilaacey Qiibo ka mid ah Gobolkada KGS.