{WARSANRADIO} ujeedada iskuulaadkan ay isu bahaysteen ayaa ah sidii ay muujin lahaayeen wada jirka ee isu tagga sida uu waxtar ugu leehayay mushttamaca marka ay taagantahay marxaladda adag ee u baahan cudud midaysan in loogu kaco si wax qabashada ay u noqoto mid fiican oo muuqata iyadooย la kaashanayo bahweynta waxbarashada.
Gudiga midowga iskuulada ayaa maanta waxay shir jaraa’iid ay ku qabteen iskuulka Baydhabo iyagoo uga hadlay shirkoo jaraa’iid dadaalka ay wadeen iskuuladan oo ku aadan u gurmashada walaalaha ay ku habsatay abaarta ee mudo laba xili oo is xigta wax dalaga ah u soo go’in ee ku tabaalaysan kaamaka kun yaala duleedka magaalada Baydhabo.
Sheekh Cali Cadoow oo ah gudoomiyaha gudiga Midowga iskuulada Magaalada Baydhaboย oo ka hadlayay shierka jar’iid ayaa sheegay in dhowaanahan wadeen booqasho ay kun tagayeen iskuulada iyagoo fasal fasal u galayayย iyagoo ka dhaadhicinayay ardayda iskuulada sidii ay ugu samayn lahaayeen tabaracaad dadka ay soo barakicasay abaarta iasagoo arintaas jiritaankeeda kala hadlayay waalidiinta ardayda .
cabduqaadir cali Axmed oo ah Afhayeenka Gudiga iskuulada ayaa isagana ka hadlayย iskuulada isbahaystay xiligan kaliya in ay san bilaabanin oo ay mar horaba iskuulada isku xirnaayeen ee waxa hada uย istaageen ay tahay u gurmashada dadka ay abaarta saamaysay ee u baahan guemadaka iyo wax u qabashada xiligan xasaasiga ah ee aan laga indhab daboolan karin.
waaย midoow waxtar u leh ummadda dhibaataysan xiligan ay abaarta hayso iyadoo la midaysanyahay taasoo noqonaysa cudud kale oo ku soo biirtay dadaalada ay ugu jirto bulshada deegaanada koofutgalbeedย u gurmashada dadka ay hayso abaarta ee u baahan hoo walaalnimo iyo hiilo bani’aadam oo ka samata bixin kartaย abaarta haysto inta ilaahay naxariistiisa cirkaย ka soo shubmayso taasoo dad iyo duunyo ay ku qaboobayaan.