[WARSANRADIO] kadib Markii Ay isticmaleen War biyeed Oo Ay Ku Yaashey Degaanka Masuubiyo oo Katirsan Gobolka Baay. Dadka Degaanka Ayaa Sheegaya In Dadka Dhintey In Ay Ku Sumoween Biyaha hagaaga wasaqoowey Ay Ku Jireen Wartaasi
Mid Kamid Ah Dadka Degaankaasi Ku Nool Ayaa Idaacada Warsan U Xaqiijiyey Tirada Dadka Dhintey Iyo Wax Yaabaha sababey.
Wafdi ay ka mid yihiin wasiirka maaliyada koonfur galbeed sheikh xasan lugbuur,wasiirka hubka dhigista,wasiirka ku xigeenka biyaha iyo macdanta,agaasimaha wasaarada caafimaad iyo xuno kale oo ka tirsan gudigga abaarha ayaa booqdey tuulada masuubiye oo baydhabo 20KM u jirta Ayaa Gaarey Degaankaasi.
Masuulinta Markii Ay Gareen Degaanka Ayaa Waxaa Ay Soo Kormereen Wartii Biyaha Ku Jirey Iyo Dadkii Ku Wax Yeloodey Biyahaasi.
Wasiir Kuxigeenka Biyahay Iyo Macdanta Ayaa Waxaa Uu Sheegey In biyahaan Ay Ahayeen Kuwo wasaqoowey Oo Kadhalan Kara Cuduro Kale Duwan Sidoo Kale Waxaa Uu Sheegey In Ay Mar Dhow Booqan Donaan Degaanada Kale Ee Katirsan Degaanadaan Kg Oo Biyahooda Looga Shakiisan Yahay In ay Yihiin Kuwo Cuduro Dhalinkaro.
agaasimaha wasaarada caafimaadka koonfur galbeed isxaaq maxamuud mursal ayaa ka waramaya xaalada tuulada ay kusoo arkeen.Isagoo Sheegey In Ay Gaarsiyeen Daawo wax Looga Qabanaayo Dadka Kale Ee La ildaran Cudurka Shuban Biyoodka.
Wasiirka maaliyada sheikh xasan lugbuur oo sidoo kale ka mid ah gudigga gurmadka abaarha ayaa dadka deegaanka gaarsiyey booyado biyaha ah si dadka biyaha wasaqaysan ay cabayeen uga marmaan,
Wasiir Xasan Xuseen Maxamed Ayaa Waxaa Uu Uhambaleyey Gudiga Gurmadka Abaaraha Maamulka Kg iyo Ciidamada kg sida Ay Gumarka iyo Amaanka Ay Isku Kashadeen,Waxaan U Tacsiyo Udirey Dadkii Dadkooda Ku Dhintey Wartaasi.s