Iyadoo dhowaan loo diyaar garowayo Furitaanka dhismaha Garoonka kubada
Cagta ee degmada Baardheere oo dhismahiisu bilahii ugu dambeeyey ay ka
socotey gudaha degmada ayaa markii ugu horeysay waxaa Xarunta Cusub ee
Maamulka degmada Baardheere lagu qabtey tababar kor loogu qaadayo
Aoonta Ciyaartoyda ,Tababaraaysha,Grsoorayaasha iyo Xubno ka tirsan
Guddiga dabagalka Mashaariicda Bulshada.
Tababarkani oo ay soo abaabuleen Mas,uuliyiinta Maamulka degmada
Baardheere ayaa socondoona muddo 10 maalin ah,waxaana ka qeyb galaya
xubno gaaraya ilaa 20 ruux oo isugu jira rag iyo Dumar,waxaana
Xafladii furitaanka Tababarkani ka Hadley Macalin Xuseen Xalane oo ah
Madaxa Arimaha Bulshada Maamulka Baardheere oo Ujeedada tababarkani
laga leeyahay ku sifeeyey kor u qaadida aqoonta ciyaartoyda, sidii ay
ugu diyaar garoowi lahaayeen maamulida Garoonka iyo Xoojinta tartamo
xaga ciyaaraha .
Xubnahii kale duwanaa ee ka xaflada furitaanka Tababarka ayaa waxay u
mahad celiyeen Maamulka degmada oo ay ku amaaneen dib u dhiska iyo
casriyeynta lagu sameeyey Garoonka Kubada Cagta degmada Baardheere
,iyagoo talaabadaasina ku tilmaamay mid wax ka tari doonta bilicda
magaalada iyo xoojinta tartamada.
Garoonka cusub ee kubada Cagta degmada Baardheere ayaa noqonaya
Garoonkii ugu horeeyey,uguna casrisanaa ee laga dhiso Gobolka
Gedo,waxayna talaabadani ku soo beegmaysaa xilli Magaalada Baardheere
laga hergeliyey mashaariic leh dib u dhis iyo horomarin.