.{WARSANRADIO} Waxaa weli la aasin meydadka dadkii Soomaaliyed ee 17-kii Bishii March gantaal lagula dhuftay dalka Yemen, xilli dadkaasi ay saarnaayeen dooni ay rabeen inay ku tagaan dalka Sudan.
Axmed Cabdi Xasan (Suudaani) Qunsulka Safaarada Soomaaliya ee dalka Yemen, ayaa sheegay meydadka dadkaasi in weli aanan la aasin oo ay ku jiraan tallaagado, wuxuuna sheegay kuwa dhaawaca ah in xaaladooda ay tahay mid liidato.
Qunsulka ayaa sheegay 31 ruux meydkooda inay ku jiraan talaagado, kuwaasi oo qorshaha uu yahay marka eheladooda la helo in meydkooda la aaso, ka horna halkaasi ay ku jiraan.
Dhaawacyada Soomaalida Isbitaalka dalka Yemen ku jirta ayaa wuxuu ku sheegay inay tiradooda ay gaareyso 17 ruux, oo iyagana xaaladooda ay halis tahay, kuwaasi oo haddii dalka Yemen wax looga qaban waayo u baahan caafimaad dalka dibadiisa ah.
Sidoo kale wuxuu sheegay intii ka soo hartay dadkaasi ee badbaaday inay ku xiran yihiin xabsi ku yaal magaalada Xudeyda oo ah goobta ay ka dhacday Duqeynta dadkaasi Soomaaliyed lagu laayay.