Guddoomiyaha cusub ee gobolka Baay Cali Wardheere C/raxmaan ayaa soo saaray ammar uu ku mamnuucayo dhismaha guryaha muddo bil ah iyo sidoo kale qodista waddooyinka ee magaalada Baydhabo.
Wuxuu sheegay in lacag la ganaaxi doono cid walbo oo ku xadgudubta amarada uu soo saaray, isaga oo tilmaamay in xilligaan ay tahay waqtigii la joojin lahaa wax walbo oo qaldan.
Muddo Bil ah gudaheed ayuu sheegay guddoomiyaha in aan wax dhismo ah laga sameyn karin gudaha Baydhabo, ciddii ammarkaasi jabisana laga qaadi doono ganaax lacageed oo 5 Kun oo doolar ah.
Sidoo kale guddoomiye Wardheere ayaa sheegay in shirkadaha iyaga oo qodaya waddooyinka Baydhabo lagu qabto laga qaadi doono ganaax lacageed oo gaaraya 10 kun oo doolar.
Cid walbo oo wadada dhinaceeda ka qodda Musqul ayuu sheegay in laga duugi doono, lagana qaadi doono qarashkii lagu aasay iyo sidoo kale ganaax lacageed oo dhan 2 kun oo doolar.
Shacabka ku dhaqan magaalada Baydhabo ayaa durba hadal haya ammarkaan cusub ee kasoo baxay guddoomiyaha gobolka Bay.