Gollaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa fadhigoodii maanta ee magaalada Kismaayo ku meelmariyay wax ka badal lagu sameeyo xeerka saxaafadda oo horay xildhibaannadu u ansixiyeen.
Wasiirka wasaarrada warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Cismaan Yariisoow ayaa gollaha wasiirrada warbixin ka siiyay marxaladaha uu soo maray xeerka oo baarlamaankii hore uu horey u ansixiyey bishii December 2015.
Wasiirka ayaa Yiri “Sababaha keenay in wax-ka bedel loogu sameeyo xeerkan saxaafada ayaa aheyd cabashooyin ka yimid suxufiyiinta Soomaaliyeed oo qodobo ka mid ah u baahdeen in wax laga bedello sida qodobka 35aad oo sheegayey in suxufiga uu heysto Shahaado jaamicadeed ee suxufinimo. Sidaad daraadeed ayaan qodobkan wax uga bedelnay iyo sidoo kale qodobo kale oo ka mid ahaa Xeerkan.”
Wasaarradda ayaa wadatashiyo ballaaran la yeelatay wasaarradaha warfaafinta dowlad-goboleedyada, bahda warbaahinta Soomaaliyeed, Somali Media Support Group iyo dhammaan dadka ay khuseyso, taasoo keentay in qodobo la isku raacay lagu bedellay kuwii cabashooyinka ka yimid.
Xeerkan Saxaafada oo ay gollaha wasiirradu ansixiyeen maanta ayaa loo gudbin doonaa golaha Shacabka si ay waajibaadkooda dastuuriga ah uga gutaan.
Wareysi=Abdullahi Ismaaciil Ali