Ma yara inta jeer ee xildhibaanada koonfur galbeed ay mooshin ka keenaan madaxweynaha maamulka shariif xasan sheikh aadan iyagoo xildhibaanada inta badan arintaasi u sababeeyaan xaalado ay ku sheegeen in ay taagan tahay koonfur galbeed sida amaan dari musuq maasuq iyo dano iyagu u gaar ah tiiyo mooshinkii iyagoon meel marinin hadana dib isaga moosa .
Xidhibaanadii koonfur galbeed soomaliya waxey maalmahamba wadeen mooshin ka dhan ah shariif xasan sheikh aadan waxaa sameysmey kudlado baar lamaanka koonur galbeed ku kal qeyb samey baxay muxaafad iyo mucaarad
Waxaa dhexmarey tartan adag wallow maalmihii hore kudlada mucaaradka ay u muuqatey mid dar dar culus la soo baxdey isla markaana ay ku biireen xildhibaano badan oo markii hore muxaafad ahaa tiro ahaana ku dhawaadey kuwo codka kalsoonida kala noqon kara madaxmweynaha koonfur galbed
Balse wax kasta waxey is badeel markuu soo rogaal celiyey rug cadaha siyaasada kgs majaraha u haaya madaxweyne shariif xasan shekh aadan
Imaashihiisi baydhabo war badan ma siini saxaafada madaxweyne shariif xasan balse su’aal ay wariyaasha weydiiyeen waxey aheyd madaxweyne sided u araktaa mooshinka ay wadaan xildhibaanada kaa soo hor jeeda si kalsooni ay ku jirto ayuu madax weynaha uga jawaabey su’aashaas wuxuuna yiri
Tira badnaanintii kudlada mucaaradka mooshinka wadey eek u hadli jirey ereyada kulul kana caaganaa madaxtooyada iyo halka ay joogaan kudlada muxaafadka ayaa lagu arkey qaar koodna warbaahinta ayey la hadleen iyagoo sheegeya iney dib ugu noqdeen mooshinkii ayw adeen waxeyna raaciyeen sababtey uga noqdeen
Siyaasada kgs way gacmo badan tahay ha yeeshee in la jirid siibo hogaan keeda mar iyo laba ma aha inta jeer ee la isku dayey hadana mar kasta oo geeska lagaliyaba dib ayey u kabataa taasna waxaa daliil u ah isku deygii u dambeeyey waxaa laga dheehan karey sida ay qabaan dadka u dhuun doloola siyaasada in uu ahaa kii uu ku bxi lahaa hogaanka kgs
Ha yeeshee sida muuqata mar sadaxaad ayuu guuleysaneyaa iskana mooseeyaa daadki qaadi lahaa eek u soo socdey tab iyo xeelad wuxuu doono ha is ticmaalee
Su’aasha is weydiinta leh ayey waxey tahay meeqa xidhibaan ayaa ku harey kudladii mucaaradka mana hadleen hadey hadleena maxey dhaheen ma hesytaan tiradii mar ku dhawaatey kuwo codka kalsonida ka qaadi kara hadalkii ugu dambeeyey ee warbaahinta la dawaageena muxuu ahaaa
Wali lama dhihi karo wuu guul dareystey isku deyga socda oo ma quusan ku wii abaabulaayey ee gadaal ka riixaayey sida xildhibaanadii dowlada fadaraalka ee ka biya diidsan siyaasda shariif xasan sheikh aadan ku hogaaminaayo kgs is katoo jab jira guushana dhan u badan tahay qaar baa wali ka harin masraxa lagu jilayo u dowladeenta kgs qaar ka mid ah xildhibaanada dowlada dhexe soomaliya oo baydhabo soo gaarey lana Hadley warbaahinta ayaa yiri hadaladan daboolan ee laga dhadhan san karo siyaasad ah in uu wali jiro loolan kii is bedel doonka iyo majara adkeysashada kgs
Sanad guuradii 3 aad ee kgs maalmaa naga xiga siba si ayey dhaantaa sidaan hadey kugu soo gasho xuska 17 novenbar ma raja xuma sii hogaaminta maamul goboleedka 3 gobol ka kooban madaxweynaha shariif xasan sheikh aadan sidii sitimaankii hore ma aha culesykii waa ka degey sanadguuradiisina way u saxan tahay sanada soo soctana inuu xilka sii haya 90 boqlkiiba way u sugan tahay saadaashu