{WARSANRADIO} Shirkii Soomaalida loogu qabtay magaalada London 11-kii bishan, waxaa laga soo saaray heshiis cusub oo xagga amniga ah kaas oo u dhaxeeya Soomaalida iyo beesha caalamka, heshiiskan oo loogu yeero “Sucurity Pact” waxaa uu socon doonaa 10 sano, waxaana hadda xoogga la saarayaa muddada Madaxweyne Farmaajo.
Sida aad ku arki doontaan heshiiskan waxaa lagu heshiiyay dhismaha ciidamada qalabka sida, bixitaanka AMISOM, maalgelinta ciidamada iyo kaalinta Soomaalida iyo beesha caalamka ee hirgelintiisa.
Akhriso, Heshiiska Amniga Ee Soomaaliya
Horudhac:
Heshiiskan waxaa lugu soo dhaweeyay qorshaha dowladda Soomaaliya u dejisay 4ta sano ee soo socota iyo heshiiskii amniga ee dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada ay saxiixeen April 16, 2017.
Beesha caalamka waxaa ay taageertay qorshaha “National Security Policy” ee la meelmariyay June 2016-ka, waxaana dowladda lagula taliyay in ay dedejiso qorshe qaran oo dhanka cadaaladda ah.
Dhammaan qeybaha shirka waxaa ay isku raaceen hirgelinta qorshaha National Strategy Plan ee ka hor tagga mayal adeegga ah( Preventing and violent extremism) kaas oo la meel mariyay September 2016-qorshahan UNka ayaa keenay-ujeedada waa in wacyigelin iyo waxbarid looga hortago mayal adeegga.
Waxaa lagu heshiiyay in laga shaqeeyo sidii loo heli lahaa qorshe amni oo Soomaalida hogaamineyso, lacagtana ay baxsaneyso.
Heshiiskan waxaa uu arkaa in ay isku xiran yihiin horumar laga gaaro siyaasadda iyo midka amniga, waxaa kaloo muhiim ah in la diyaariyo sidii looga gudbi lahaa ku tiirsanaanta AMISOM.
Dowladda federaalka ah waa in ay mas’uul ka noqoneysaa amniga, si dhaw ula shaqeysaa dowlad goboleedyada sida in ay sugto amniga meelaha ku soo dhaca gacanta dowladda, waddada uu saadka maro iyo xitaa amniga doorashada 2021-ka.
Heshiiska Amiga waxaa uu xadidayaa:
• Heshiiska “Qaabaynta Amniga Qaranka” ee dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada.
• Sida beesha caalamka uga go’an tahay in ay taageerto Qaabaynta Amniga Qaranka”.
• Heshiiska ah in AMISOM 2018-ka bilowdo wareejinta amniga iyada oo ay la socdaan shuruudo iyo hadaf cad.
• Hubinta Hirgelinta heshiiskan oo uu ku jiro kulanka la qabanayo 6 bil kadib shirka London.
Dhowrista xuquuqul insaanka iyo in cadaaladda la horkeeno dadka ku xadguba haweenka iyo caruurta.
Soomaalida waxaa ay qabsadeen waqti lagu hirgelinayo Qaabaynta Amniga Qaranka, beesha caalamkana waa ku taageertay, waa in qorshaasi noqdaa mid laga bixi karo, waxaa kale oo la iska gartay in la sameeyo hub ka dhigis, dhaqan celin iyo in dowladnimada la xoojiyo, waxaa kale la doonayaa in qorshe laga yeesho arrimaha badda sida la dagaalanka argigixisada.
Dhammaan Soomaaliya iyo beesha caalamka waa in ay fuliyaan waxa lagu heshiiyay.
Heshiiskan amni waxaa gaaray Soomaaliya iyo 42 dal, waxaa la gaaray 11 May 2017, ma aha heshiis dacwo laga furi karo hirgelin la’aantiisa.
Heshiiska Siyaasadeed iyo Midka Amni Ee Soomaalida:
Dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada waxaa ay heshiis amni gaareen April 16, 2017, golaha amniga qaranka ayaa ansixiyay May 8, 2017-kii.
Heshiiskan waxaa uu khuseeyaa 4 meel:
Tirada ciidamada, qeybinta ciidamada ee dowladda iyo maamul goboleedyada, taliska ciidamada iyo mas’uuliyadda dowladda iyo maamul goboleedyada.
Beesha caalamka waxaa ay soo dhaweysay heshiiska siyaasadeed iyo heshiiska Qaabaynta Amniga Qaranka”, waxaana lagu talinayaa in laga sii wada hadlo meelaha weli aan laga hadlin ee siyaasadda, waxaa ku jira maalgelinta ciidanka iyo sida ay tahay in lacagta ciidanka u qeysadaan Soomaalida iyo beesha caalamka.
Taageerada Beesha Caalamka
In Beesha caalamka ay taageero dhaqaale iyo mid qalab ah siiso Soomaaliya 4ta sano ee soo socota.
In lala yimaado qorshe ciidanka lagu maalgeliyo(CAS) qorshahaas oo lagu yeero 4As oo kala ah( Affordable, acceptable, accountable and able) iyo in AMISOM lagu saleeyo baahida ay dadka Soomaalida ah qabaan.
In Beesha caalamka iyo Soomaalidaba ay isku mid ah midkoodba midka kale ula xisaabtamo.
Iyada oo laga ambaqaadaayo heshiiska siyaasadeed iyo midka amni, beesha caalamka waxaa ay taageeri doonaa 5tan soo socota:
1. 1- Taageridda howlgalka AMISOM iyo in lagu heshiiyo sida ay Soomaalida talada kala wareegayaan AMISOM.
2. 2- Iyada oo lagu dhaqmayo Qaabaynta Amniga Qaranka, waa in la xoojiyo hey’adaha amniga ee Soomaaliya, lana sameeyo sidoo kale hub ka dhigis iyo dhaqan celin.
3. 3- In la taageero qorshaha xasillinta ee dowladda Soomaaliya iyo qorshaha loo yaqaano(CREDTA/A)
4. 4- In la hirgeliyo qorashaha ka hortagga extremsim-ka ee loo yaqaano (C/PVE).
5. 5- In beesha caalamka ay dadaalkooda iyo waxqabadkooda mideeyaan si loo helo waxqabad iyo natiijo dhab ah.
Maalgelin Joogta ah:
Shirka October 2017ka kadib, dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka waxaa ay ku heshiin doonaan istaraatiijiyad lagu maalgeliyo Qaabaynta Amniga Qaranka iyada oo la eegayo qorshaha 4ta “A” ee (Affordable, acceptable, accountable and able), waxaa in lala dagaalaa musuqa, laga shaqeeyaa maamul wanaaga iyo in la ogaado faa’idada ka soo xaroon karta lacagtaas.
In la xoojiyo hey’adaha amniga iyo hey’adaha rayidka ah ee la socda shaqada hey’adaha amniga ah.
Shuruuradaha Soomaalida Ay AMISOM Kala Wareegi Karaan Aminiga:
Soomaaliya waa in ay xoojiyaan dhismaha hey’adaha dowliga ah iyo in la dejiyo qorshihii ay amniga kula wareegi lahaayeen.
Beesha caalamka waxaa ay taagerysaa in AMISOM ay bilowdo wareejinta amniga dhammaadka 2018-ka, waxaa arrintaa la socda UN-AU iyo dib u eegistooda AMISOM june 2017-ka iyo sida golaha ammaanka iyo AU ay Mandate u siiyaan AMISOM dhammaanda sanadkan.
Dhamaan qeybaha waxaa ay is tuseen dhibaatada AMISOM ka soo martay lacagta laga soo bilaabo 2007, waana in mas’uuliyad wadareeed la iska saaro maalgelinta AMISOM 2018-ka iyo wixii ka dambeeya.
Tillaabooyinka:
• Heshiiska London (11 May 2017)
• Technical Rollover of AMISOM mandate 31 May
• UN-AU Review of AMISOM (May- June 2017)
• Resosultionka golaha ammaanka laga sugayo ee ku aadan AMISOM, qaraarkaas waxaa la filayaa August 2017-ka.
Hirgelinta Heshiiskan Amniga:
Dhammaan qeybaha waxaa la isla gartay in laga shaqeeyo sidii loo heli lahaa mechanism lagula socda howsha iyo in lagu dhex shaqeeyo qorshaha National Development plan.
Arrimahaas Waxaa Heshiis Looga gaari doonaa shirka ka dhacaya Muqdisho si:
Si dib u habeyn loogu sameyn lahaa arrimaha amniga
Heshiiskan amniga loo hirgelin lahaa
In Soomaalida ay maamulaan howlaha la xiriira Qaabaynta Amniga Qaranka,, qorshaha (CAS), dhismaha hey’adaha amniga iyo qorshaha kale ee ka hortagga xagjirnimada.
In Heshiiskan “New Partnership-ka mar walbo la qiimo oo loo sameeyo madal high level iyo sida Soomaalida hubiyaan sida heshiiskaas ula jaan-qaadi karo qorshaha qaran ee Soomaalida.
Ugu dambeyntii in fulinta qorshahan ay ka shaqeeyaan dhowr hey’adood oo kala ah
1. 1- Security conference: oo ay ku jiraan dowladda federaalka ah, qaramada midoobey, Midowga Afrika iyo beesha caalamka.
2. 2- NSC oo ah Natioal Security council, waxaa ku jira kooxdan wasiirro, xoogga dalka iyo booliiska Soomaaliyeed.
3. 3- CAS Executive Group oo ay ku jiraan dowladda iyo beesha caalamka
4. 4- CAS Strands oo ah la taliyaal caalami ah oo qiimeeya
W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye
2017
-
WARARKA MAANTA
DAAWO: RW Kheyre oo khudbad kicisay dareenka Carabka ka jeediyay Shir ka socda Qatar
by Warsan Radio May 14, 2017Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo dalka Qatar uga qeyb galay shirweynaha Caalamiga ah ee looga hadlayo iskaashiga dhinacyada xasilinta dhaqaalaha iyo siyaasadda ayaa…
-
WARARKA MAANTA
Dhageyso:-Wareysi ku saabsan Arimaha Wadooyinka Taraafikada Taliyaha Taraafikada Gobolka Baay
by Warsan Radio May 14, 2017Wareysi ku saabsan Arimaha Wadooyinka Taraafikada Taliyaha Taraafikada Gobolka Bay Ayaa ka war bixiyey qaabka u shaqayo ama ula macaamilo dadka gaadiidlayda ah HOOS KA DHAGEYSO CODKA WAREYSIGA Dhageyso:-Wareysi ku…
-
WARARKA MAANTA
Dhageyso:-wareysi xasaasi ah oo aanu layeelanay Gadoomiye kuxigeenka Siyaasada iyo amaanka Aadan Carab MKGS>>
by Warsan Radio May 14, 2017wareysi xasaasi ah oo aanu layeelanay Gadoomiye kuxigeenka Siyaasada iyo amaanka Aadan Carab Ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo noogu war bixiinaayey xalada dadkii ka soo barakacay degaanadii abaarta ku…
-
WARARKA MAANTA
Dhageyso:-Wareysi aanu Layeelanay Gadoomiyaha Deegaanka Yeed Cabdi Thaabid,
by Warsan Radio May 14, 2017Wareysi aanu Layeelanay Gadoomiyaha Deegaanka Yeed Cabdi Thaabid oo noo sheegay in ay xereeraha degaanka roob kadacay lkn magalada yeed aysan hada roob ka dacin Wareysiga HOOS KA DHAGEYSO Dhageyso:-Wareysi aanu…
-
{WARSANRADIO} WARKA HABEEN EE IDAACADA WARSAN OO IDINKAGA IMAANAAYEY MAGAALADA BAYDHABO JANAAY
-
WARARKA MAANTA
video Wasiirka Gaashaandhiga Somalia oo ka hadlay Waxyaabahii lagu Heshiiyay
by Warsan Radio May 11, 2017video Wasiirka Gaashaandhiga Somalia oo ka hadlay Waxyaabahii lagu Heshiiyay
-
Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed, Cali Wardheere, ayaa maamul cusub wuxuu u magacaabay Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay. Wareegto ka soo baxday Xafiiska Gudoomiyaha Maamulka Gobolka…
-
WARARKA MAANTA
Daawo muqaalka Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed ayaa kulan ay ku yeeshen Magaalada Baydhabo
by Warsan Radio May 11, 2017Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed ayaa kulan ay ku yeeshen Magaalada Baydhabo waxaa ay kaga hadleen Dagaalkii Dhowaan ka dhacay Duleedka Baydhabo iyo Sidii Howgal ka dhan ah SHabaab u bilaabi…
-
WARARKA MAANTA
Maamulka Gobolka Bay Oo Mamnuucay Qodista Waddooyinka Iyo Dhismaha Guryaha
by Warsan Radio May 10, 2017Guddoomiyaha cusub ee gobolka Baay Cali Wardheere C/raxmaan ayaa soo saaray ammar uu ku mamnuucayo dhismaha guryaha muddo bil ah iyo sidoo kale qodista waddooyinka ee magaalada Baydhabo. Wuxuu sheegay…
