Odayaasha dhaqanka Beesha degta magaalada Cadaado ayaa caawa ku dhawaaqay go’aan lama filaan ah, iyagoo ka mamnuucay inuu magaaladaas soo galo ama dhex maro deegaanada ay degaan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
War murtiyeed ay kulankooda ka soo saareen waxay ku sheegeen in aanay aqoonsaneyn Madaxweyne Xaaf iyo Sheekh Maxamed Shaakir oo ah Madaxa Xukuumadda Galmudug.
Odayaasha Cadaado ayaa sheegay in ammaanka deegaanada uu yahay mid lama taabtaan, isla markaana maamulka deegaanka uu ka mas’uul yahay.
Waxaa ay ugu baaqeen Madaxweynaha dowladda Federaalka iyo Madaxda dowlad goboleedyada in aanay aqoonsaneyn wixii maanta ka dhacay Dhuusamareeb.
Goor sii horeysay oo maanta ayaa banaan looga soo horjeedo shirka Dhuusamareeb iyo heshiiskii Ahlusuna iyo Galmudug ayaa ka dhacay magaalada Cadaado, waxaana isugu soo baxay dadweyne fara badan.
Beesha Cadaado ayaa aad uga soo horjeeda Heshiiskii Jabuuti, waxaana ay dhowaan ka keeneen cabasho, waxaana ay ku andacoonayaan in magaalada Cadaado oo horay u aheyd xarunta KMG Galmudug aan la siinin wax mudnaan ama maqaam, maadaama muddo labo sano iyo bar ay marti gelineysay Madaxda Galmudug, Wasiirada iyo Baarlamaankaba.
Halkan hoose ka Daawo go’aanka ka soo baxay Beesha Cadaado: