{WARSANRADIO}Dhaqaatiirta iyo howlwadeenada Caafimaadka ee ka howlgala Isbitaalka degmada Baardheere ayaa waxay sheegeen in Cudurka Jadeecada oo ka mid ah Lixda cudur ee dilaaga ah, uu ka dilaacay degmada Baardheere iyo qaar ka mid ah tuullooyinka hoos yimaada, kaa oo caruur badan ay la’il daran yihiin.
Dr.Sharmaake Nuur Sharmaake oo ah Agaasimaha Isbitaalka degmada Baardheere ,waxaana Warbaahinta uu u xaqiijiyey in Cudurka jadeecada uu ka dilaacay degmada iyo qaar ka mid ah tuullooyinka hoos yimaada,isagoo sheegayna Isbitaalka guud ee degmada maalin weliba ay soo gaaraan bukaano la liita Jdeecada oo gaaraya ilaa 7 ruux,kuwaasi ayaa qaar ka mid ah waxay ka kala imaanayaan tuullooyinka iyo dhulka miyiga ah ee ku teedsan Baardheere.
Dr.Sharmaake ayaa waxaa uu intaasi ku darey Cudurka jadeecada oo maalmo ka hor ka dilaacay degmada in ay u diwaan geliyeen bukaanada soo gaarey isbitaalka ilaa 48 ruux oo u badan Caruur,isagoona tilmaamay dad kale oo ku xanuunsan tuullooyinka iyo baadiyaha oo dadka ayan soo gaari karin isbitaalka.
Sababaha keenay in Cudurka jadeecada uu ka dilaaco degmada Baardheere iyo tuullooyinka hoos yimaada ayey dhaqaatiirtu ku sheegeen saxada oo liidata,kuleylka,isku soo guurka dadka barakacayaasha ah, helitaanka biyaha oo adag qaar ka mid ah Tuullooyinka iyo deegaanada qaar oo weli talaalka cudurka jadeecada aanan laga fulinin muddo ka badan ilaa 10 sanno.