Mayara Shacabka ku nool Magaalada Baydhabo, waxaa lagu qiyaasaa ku dhowaad Halmilyan, haddii ay Go’aansadaan in wax ka qabtaan wada xumida haysata waxay ugu yaraan awoodi karaan in bartaan sida ay dhexdooda isu abaabuli karaan oo ay u dhisan karaan wadooyinka burbursan Magaalada iyo Xaafadaha dhex mara iyo dhamaan goobaha halboowlaha u ah adeegyada aasaasiga u ah Noloshooda.
Kani waa gudoomiyaha dhalinyarada Degmada Baydhabo Maxamed Dhegeey oo ka jaawabaya Su’aal aan ku weeydiiyay Anoo taagan Buundada Isha wadamada Marta oo marshe bigeeda uu ka Muuqdo Dalool weyn sida uu ka Gudoomiye Ahaan ugu dhiri galin karo Dhalinyarada in ay Dhisaan iyagoo koow kka ah.
Kaliya Waddan ma’ahan mida u baahan dhismaha iyo Dayactirka, badi wey burbursan yihiin wadooyinka Mara Bartamaha iyo Xaafadaha Magaalada Baydhabo.
Balse cirifka danbe ee Xaafadda Isha waxaa ku taala waddo aad loo isticmaalo oo ay ku badanyihiin Dadka iyo Gaadiidka , Bilooyin ka hor waxaa wadadan shil Baabuur ka dhacay ku dhintay Sagaal Qof tiro kalane wey ku dhaawacmeen. Waa waddo dalcad ah oo ku adag dadka iyo gaadiidkaba in ay si sahlan ku maraan.
Waxaan la sheekeeystay darawal Mooto Bajaaj ku xamaasha oo degan Xaafaddan oo iiga sheekeeyay wadan iyo dhibaatada ay ku qabaan isticmaalkeeda.
Maxamed Abuukar waa 73 jir muudo 50 sano ah ku noolaa Xaafaddan, waxaa uu ka hadlayaa kadib markii ay dadka badan ku dhinteen waddadan sida ay dadka Xaafadan isu xilqaameen dhismaha jid cadaha xaafada taasoo uu ii sheegay Maxamed Abuukar in ay ka barteen Cashar ah in haddii ay Bulshada u dhaqaado in wax dhisito wado iyo mashaariic kale ay deddeg u samaysan karto iyadoo gurmad taageero midna u baahan kaliya ay ku xirantahay wada tashi iyo Bulshada oo u istaagata.
Moowliid Sheekh waa Gudoomiyaha odoyaasha Dhaqanka Gobolka Baay isla markaan degan Xaafdan Isha, waxaa uu ka hadlayaa Muhiimadda Wadan u leedahay Magaalada baydhabo iyo sida dhismaheeda uu muhiim ugu yahay dadka Xaafadan iyo kuwa degan Gudaha Magaalada Baydhabo, waxaa kaloo uu Moowliidka xusayaa Intii uu Socday dhismaha Jid cadahan abuulkii dadka Xaafadda ee aruurinta dhaqaalihii ku baxay dhismaha waddan wadiiqadii ay u mareen iyo dadkii ka qayqaatay ee isugu jiray Mas’uuliyiin iyo dad kale oo aan deganayn xaafadda balse ka geestay gacanta in ugu yaraan la buuxiyo dalcadaha iyo baalirinta wadadan xaafadan isha Baydhabo geeskeeda ku taala.
Inkasoo ay dadaaleen Dadka degan Xaafaddan waxaa wali maqan kaalintii ay ku lahayd Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed dhismaha wadadan taaso ah mid wali ay ka rajo qabaan ugu danbayntii dadka xaafadan waloow aysan muuqan xitaa isku day lagu dhisayo wadadan oo looga dhigayo laami taasoo ay hormood ka tahay Dowlad Goboleedka.
Waxaase hubaal ah in tani ay tahay biloow isku day mudan in Bulshadan gacan lagu siiyo hoowshan taasoo ay iyag Koow ku noqdeen.