{WARSANRADIO}Xubnaha Wafdigani oo isugu jiray Wasiro iyo xildhibaano ka socdey Dowlad Goboleedka Jubbaland ee soo gaarey degmada Baardheere ayaa waxaa hogaaminayey Cabdi rashiid Xasan Cabdi Nuur oo ah wasiirka Amniga Jubaland,ujeedada socdaalkooda ayaa wafdigan ayaa waxay la xariirtey Daah furida wejiga labaad ee mashaariic horomarineed oo dhowaan laga hergeliyey degmada Baardheere.
Mashaariicda horomarineed ee xariga laga jarey ayaa waxaa ka mid ahaa,Biyo xireen laga sameeyey duleedka magaalada,Bundo jiifto laga sameeyey Toga weyn ee mara magaalada.Ceel biyood ku shaqeynaya Solarka,Godad lagu shubo Qashinka magaalada iyo Qalabeyn loo sameeyey haweenka ka shaqeeya nadaafada deegmada,mashaariicdani oo dhamaan tood ahmiyad u leh Bulshada Baardheere ayaa waxaa maal geliyey Midowga Yurub.
Cabdulaahi Nuur Xasan(Cadow) oo ah Gudoomiyaha Baardheere oo ugu horeen ka hadlay xafladii lagu daah furayey Mashaariicda ayaa sheegay inuu ku farax san yahay Mashaariicdani oo dadka deegaanka ay baahi weyn qabeen, waxuuna u mahad celiyey dadkii ka qeyb qaatey hergelinta mashaariicdani.
Cabdi rashiid Xasan Cabdi nuur oo ah Wasirka Amniga Jubaland ayaa tilmaamay mashaariicdani in ay qeyb ka yahiin horomarka,nolosha iyo Bilicda deegaanka,waxuuna tibaaxay in maashaaricdani horomarinta kuwii hore iyo kuwan cusuba in ay yahiin kuwa dalka iyo dadka anfacaya.
Degmada Baardheere ayaa horey waxaa looga her geliyey Mashaariic kale oo ay ka mid yahiin Garoonka kubada Cagta,Xarunta Bulshada,Xarunta Maamulka degmada Baardheere, Biyo xireeno lagu sameynayo Toga weyn ee mara Xaafada Bulo kurmaan iyo leyrarka Cadceeda ku shaqeeya oo laga hergeliyey deegaanka,waana mashaariicdii ugu balaarneyd ee laga hergeliyo Baardheere muddo ka badan ilaa 30 sanno.