Tababarkaan oo ay ka soo qeyb galeen Xubnaha Golaha degaanka Degmada Xuddur
iyo wakiilo ka socday Xafiisyada Ururada Bulshada Rayidka qeybahooda kala duwan
ayaa waxa soo qaban qaabisey Wasaarada Arimaha Gudaha Dowladaha hoose iyo dib
uheshisiinta ee Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya oo ay kaashanayso Wasaarada
Arimaha Gudaha ee Federaalka ayaa saaka ka bilowdey gudaha magaalada xuddur.
Tababarkaan oo socon doona mudo toban maalmood ah ayaa waxa diirada lagu saari
doonaa gudashada masuuliyada iyo waajibaaka ka saran u adeegida bulshada
xubnaha degaanka ee dhowaan la doortay.
Ugu horeyn waxa Tababarka ka Hadley Cabdiraxmaan Cali Gaab oo ah lataliye sare
dhinaca maamul wanaaga Wasaarada Arimaha Gudaha dowladaha hoose iyo dib
uheshisiinta ee Maamulk Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Wuxuuna sheegey
in muhiimada Tababarkani ay tahay tayeynta iyo kor u qaadida howlaha Golaha
Degaanka Degmada Xuddur
Ugaas Cali dirir oo isna goobta ka Hadley ayaa sheegey in tani hordhac u tahay kor
uqaadida xirfadaha xubnaha degaanka si si hufan ay bulshada dooratey ugu adeegaan
wuxuna intaasi ku darey in wada shaqeyn dhow la leeyihiin bulshada dooratay ee ay
matalayaan
Guddoomiyaha Degmada Xuddur Maxamed Macalin oo ka mid ahaa xubnaha
tababarka soo xaadirey ayaa umahadceliyey wasaaradaha soo qaban qaabiyey
tababarkaan isagoo intaasina ku darey in la joogteeyo tababarada
Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Bakool Cabdulaahi Maxamed Nuur snake ayaa
hadfurey Tababarka wuxuna kula dardaarmey in ay ka faa’ideystaan casharada
labixinayo Dowladnimadana ay tahay wax labarto
Waa markii ugu horeysay oo tababar ay isla kaashanayaan wasaaradaha aimaha
gudaha federaalka iyo tan koofur galbeed loo qabto xubnaha Golaha degaanka oo
ladhisey mudo laga joogo lixbilood xitaa aan la qalabeynin xafiisyadii maamulka
Degmada.