{WARSANRADIO}Wafdi heer sare ah oo ka socda dowladda Eritrea ayaa goor dhow gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya, waxaa wafdiga hoggaaminaya Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea Osman Saleh iyo La Taliyaha Madaxweynaha Eritrea Yemane Ghebreab.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo uu wehliyo Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda iyo mas’uuliyiin kale ayaa garoonka diyaaradaha Bole ku soo dhoweeyay Wafdigan ka socda Eritrea.
Imaanshaha Wafdiga ayaa ka dambeeyay markii Madaxweynaha Eritrea Isias Afwerki uu go’aansaday inuu ergo u diro Addis Ababa, si ay wada hadalo ula furaan dowladda Itoobiya, loona soo afjaro colaadii u dhaxeysay, kaddib markii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu aqbalay go’aankii guddiga xadeynta Qaramada Midoobey ee sanadkii 2002, kuwaasoo Eritrea u xukmiyay dhulkii la isku hayay ee colaada ka dhalatay.
Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa tan iyo markii uu talada dalka la wareegay bishii April la soo baxay siyaasad furfurnaan iyo is bedelo uu ka hirgeliyay gudaha dalkiisa iyo gobolkaba, taasoo wax ka bedeshay hab dhaqankii Itoobiya looga bartay 20-kii sano ee u dambeeyay.
Labada dal ayaa xilligan diyaar u ah inay dardar geliyaan heshiiskii nabadeed ee lagu saxiixay Algeria sanadkii 2000.
Itoobiya iyo Eritrea ayaa waxaa u dhaxeysay colaad soo socotay muddo 20 sano, Intii u dhaxeysa 1998 illaa 2000 waxaa dhex maray mid ka mid ah dagaaladii ugu dheeraa ee Afrika soo mara.
Waa wafdigii u horeeyay oo Eritrea ka socda oo gaara magaalada Addis Ababa muddo labaatan sano.