{WARSANRADIO}Mas,uuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Jubbaland oo maanta soo gaarey degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxay xariga ka jareen Mashaariic horomarineed ee laga hergeliyey degmada,kuwaasi oo ay ka mid yahiin,dhismo lagu sameeyey wadooyinka Magaalada.Garoonka Diyaaradaha iyo Xarunta Bulshada degmada Baardheere.
Xubnaha Wafdigan soo gaarey Baardheere ayaa waxaa hogaaminayey Axmed Xasan Sakiin oo ah Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Jubbaland,C.raxmaan Cabdi oo ah Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha Jubaland,Maxamed Maxannuud Aden oo ah Gudoomiyaha Gobolka Gedo iyo Cabdulaahi Aden Maxamud oo ah Maareyaha Garoonka Diyaaradaha ee Kismaayo,ujeedada imanshiyaha Baardheere ayaa ahayd daah furida Mashaariicdan oo dhismahooda la soo gabagabeeyey.
Cabdulaahi Nuur Xasan(Cadow) oo ah Gudoomiyaha Baardheere oo ugu horeen ka hadlay xafladii lagu daah furayey Mashaariicda ayaa sheegay inuu ku farax san yahay Mashaariicdani oo dadka deegaanka ay baahi weyn qabeen, waxuuna u mahad celiyey Hay,addii maaal gelisay mashaariicdani.oo dadka deegaanku ay baahi weyn u qabeen.
Axmed Xasan Sakiin oo ah Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Jubbaland ayaa tilmaamay mashaariicdani in ay qeyb ka yahiin horomarka,nolosha iyo Bilicda deegaanka,waxuuna tibaaxay in maashaaricdani horomarinta kuwii hore iyo kuwan cusuba in ay yahiin kuwa dalka iyo dadka anfacaya.
Mas,uuliyiintii kale ee ka hadashey Xafladii lagu daah furayey Mashaariicdan ayaa waxaa ka mid ahaa C.raxmaan Cabdi oo ah Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha Jubaland iyo Maxamed Maxannuud Aden oo ah Gudoomiyaha Gobolka Gedo,dhamaantoodna waxay sheegeen Mashaariicdani in ay qeyb ka yahiin xasalinta iyo horomarinta deegaanka.
Xubnaha wafdigan balaaran ayaa gebagebadii Xaflada waxay booqdeen goobo ay ka mid yahiin Buundada Baardheere iyo Toga weyn ee aada wadada Saakow halkaasi oo fatahaada webiga Jubba ay ku barakaceen Boqolaal Qoys oo danyar ah oo deganaa hareeraha webiga iyo Toga weyn .
Axmed Cumar Saalixi
Baardheere/Gedo