{WARSANRADIO} Deegaanka Goof guduud oo 30 km baydhabo u jirta waxaa dhawaan loo sameeyey maamul cusub oo gudoomiyaha degmada baydhabo u magaacabey deegaankaasi
Xasanow Buuyow waa gudoomiyaha cusub ee goof guduud buurey waxaa uu wareysi siiyey idaacada warsan isagoo ka sheekeeyey in maamulkiisa wax badan ka qabtey deegaanka sida is dhexgal bulsho oo uu sameeyey xafiisyadii maamulka oo howl galin lagu sameeyey iyo amniga magaalada oo laga shaqeeyey .
Gudoomiye xasanow waxaa uu sheegey waqtigaan iney dhibaato weyn ay u qabaan goobo wax barasho oo waqtigan deegaanka aan la heyn goobtii kaliya ee wax barasho ee magaalada ku taaley ayuu sheegey in waqtigii deegaanka ka dilaacaayey cudurka shuban biyoodka loo bedeley goob dadka lagu daaweeyo .
Marar badan goof guduud buurey waxaa ka dhacay weeraro al shabaab magaalada ku soo qaada dilal qorsheysan oo ka dhaca iyo falal badan oo amniga lidi ku ah .
Gudoomiyaha cusub ee deegaanka ayaa ku faaney in amaanka maamulkiisa uu ka shaqeeyey ha noqoto magaalada dhexdeeda oo ciidanka ay ka howl galaan iyo wadada dheer ee baydhabo iyo goof guduud oo si nabad galiyo ah lagu maro waa sida uu sheegey gudoomiye xasanow buuyow
Goof guduud buurey oo baydhabo laga xukumo waxaa ku soo noq noqdey is qab qabsi ku aadan maamulka deegaanka iyo shacabka magaalada oo inta badan muran soo kala dhex galo taasina waxey sababtey in dhowr jeer la bedelo maamulka deegankasi oo maamul cusubna loo sameeyo .