Baydhabo Somaliya{WMN}- Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi ayaa sheegay in ay tahay markii ugu horaysay ee uu kismaayo yimaado burburkii kadib waxaana uu sheegay in uu ku faraxsanyahay in uu maanta yimaado iyadoo nabadgalyo iyo Dowladnimo ay ka jirto.
Ujeedada booqashada uu ku tegey wafdiga uu horkacayo guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa lagu sheegay inay tahay xalinta khilaafka u dhexeeya dowlada federalka iyo maamul goboleedka Jubbaland.
Cabdi Xaashi guddomiyaha aqalka sare oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee mudada dheer ku dhex jirtey siyaasada dalka Soomaaliya ayaa haatan doonayo sidii uu ugaga miro dhalin lahaa dadaal ay sameeyeen senatarada aqalka sare kuwaasoo doonaya in la soo afjaro khilaafka u dhexeeya dowlada federalka iyo maamul goboleedyada dalka.
Hadaba dhageyso Codadkii Soo dhaweentii Kadhacday Kismayo