Baydhabo Somaliya{WMN}-Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa meel mariyay xeerka Maamulka Bangiga Dhexe oo wax ka bedel lagu sameeyay, 158 Xildhibaan ayaa ogolaatay, halka 17 ay diiday.
Wax ka bedelka xeerka Bangiga Dhexe gaar ahaan qodobka 130aad ayaa ka dhigan in Bangiga Dhexe uu madax ka noqon karo shaqsi ajnabi ah, kuna imaan doona xeer loo cuskanayo xulida Guddiga Agaasinka Bangiga Dhexe, kaasoo ay in qof kasta oo ugu dhibco sareeya, karti ahaan, aqoon ahaan iyo hufnaan uu noqonayo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe.