Baydhabo Somali-{WMN}-Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa Tababar u soo xiray Saraakiil Soomaali ah oo dalkaas tababar ugu socday muddo muddo sanad iyo bar ah.
Saraakiishan oo la siiyay tababarka askarta noocyadiisa kala duwan, ayaa tiradooda waxaa lagu sheegay 20 Sarkaal, iyagoo noqonaya tababarayaal.
Askartan ayaa loo carbiyey sidii ay qeyb uga noqon lahaayeen hannaanka kala guurka ee dowladda Soomaaliya ay amniga ugala wareegeyso Howlgalka AMISOM marka la gaaro sanadka 2020-ka, waxaana hore u bilowday in qeybo ka mid ah Soomaaliya laga saaro Ciidamada AMISOM.
Saraakiisha tababarka loo soo xiray ayaa soo gaaray gelinkii dambe ee shalay magaalada Muqdisho, waxaana ay ka qeyb qaadan doonaan howlaha dib u dhiska iyo tababarka Ciidamada qalabka sida.
Dhinaca kale Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa tababar u soo xiray illaa 203 Askari Ugandes ah, kuwaasoo la filayo inay ku biiraan howlgalka AMISOM, khubad uu u jeediyay waxaa u fariin hanjabaad ah u diray Waalidiinta askartiisa ka howlgasha gudaha Soomaaliya, isagoo uga digay iney lacag weydiistaan askarta oo sida uu tilmaamay Qarankooda u soo shaqeynaya.