Baydhabo(WMN)_Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Somaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdiga uu hugaaninayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo Ee Caasamada Kumeel gaarka ah ee Koonfur galbeed Somaliya.
Madaxweynaha iyo wafdiga la socday waxaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee shaati gaduud ku soo dhaweeyay Xildhibaannada ka tirsan barlamanka konfur galbed, Wasiiro, cutubyo ka tirsan ciidanka qalabka sida iyo marti sharaf kale.
Madaxweynaha ayaa mudooyinkii ugu Dambeyey Safar Shaqo uga Maqnaa Magaalada Moqdisho Ee Casamada Dalka Soomaaliya iyo Magaalada Jabuuti waxaana halkas kala soo kulmay madaxda laba dhinac
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya intuu Ku Sugnaa Magaalada Jabuuti waxaa uu Kulan Muhiim ah laqaatey Madaxweynaha Dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle asagoona kala hadley Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen arimo Farabadan oo kamid ah Sidii Mashaaric Horumarineed Looga Hir-gelin lahaa Dekada Baraawe iyo Isbitaalka Marko.
Halka Hoose Ka Daawo Sawirada: